“Anigu Wasiir Qabiil Ma Ihi Hungurina Igama Hayo Hantida Qaranka”

0
609

Hargaysa (Dawan)- Wasiirka cusub ee wasaarada horumarinta maaliyada Somaliland, Dr. Sacad Cali Shire ayaa si rasmiya xilkii ugala wareegay Wasiirkii hore ee Wasaarada Maaliyada Yuusuf Maxamed Cabdi.

Munaasibad ay xilka kula kala wareegayen wasiirka cusub ee wasaarada horumarinta maaliyada iyo wasiirkii hore ee wasaarada maaliyada oo shalay lagu qabtay xarunta wasaaraddasasi ee magaalada Hargaysa ayaa waxa ka soo qayb galay, wasiirka wasaarada arimaha dibada Yaasiin Maxamuud Xiir Farotoon, wasiirka wasaarada ganacsiga warshadaha iyo dalxiiska Maxamuud Xasan Sacad, wasiirka wasaarada qorshaynta qaranka Cawaale Ibraahim Shirwac, shaqaalaha wasaarada maaliyada iyo marti sharaf kale.

Wasiirkii hore ee wasaarada horumarinta maaliyada Somaliland Yuusuf Maxamed Cabdi oo munaasibadaasi hadal ka jeediyay ayaa waxa uu ka warramay waxyaabihii u qabsoomay muddadii uu xilka wasaarada maaliyada hayay. Waxaana uu yidhi “Waxyaabihii ugu muhiimsanaa ee aanu qabanay waxa ka mid ahaa dajintii misaaniyadii 2018-ka, boqol kiiba soddon ayaanay dheerad misaaniyadii 2017-ka ay ka badnayd. Waxa aanu kordhinay musharkii ciidamada iyo macalimiinta oo ah labo halbawle oo Qarankani leeyahay.”

Wasiirka wasaarada horumarinta maaliyada Sacad Cali Shire oo isaguna halkaasi hadal ka jeediyay ayaa waxa uu sheegay in cashuurtu saldhig u tahay dawladnimada Somaliland. Waxaana uu yidhi “Waxa aan doonayaa in aan idinku baraarujiyo in qaranimadeena iyo dawladnimadeena saldhiga ay ku fadhidaa ay tahay cashuurta, waxa aan aad ugu faraxsanahay in xilkii adkaa ee uu soo hayay 11-kii bilood ee tagay wasiirkii hore in maanta aan kala wareego.

Waxaan ballan qaadayaa in aan halkaa ka sii wado intii uu ku guulaystay wasiirkii hore oo hawlaha u yaala Wasaarada Maaliyada aan halkaa ka sii wado”.

Wasiir Sacad ayaa sheegay in uu yahay wasiir qaran ee aanu ahayn wasiir qabiil, isaga oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Anigu wasiir qabiil ma ihi, waxaa la imagacaabay todobaad ka hor, wali cid ku socota siffo qabiil oo guriga iigu timid oo i tahniyadaysay ma jirto.

nigu ma ihi nin hunguri ka hayo hantida qaranka, anigu ma ihi nin leh hami siyaasadeed oo sare oo doonaya xilkan in uu ka dhigto sallaan uu ku koro. Anigu wasiir qaran baan ahay, waxaan ahay aqoonyahan. Waxaan ka codsanayaa dadweynaha iyo shaqaalaha wasaaradda in aanay igu dhibsan haddii aan dabaqo sharciga.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply