Somaliland oo Sheegtay Haddii Hub la Siiyo Somalia uu ku Dambayn Doono Gacanta Argagixisada

0
587

Hargeysa (Dawan)- Xukuumadda jamhuuriyadda Somaliland ayaa golaha ammaanka ee qarammada midoobay ku bogaadisey qaraarkii ay ku cusboonaysiiyeen cuno-qabatayntii hubka ee saarnayd dalka Soomaaliya 14kii bishan November.

Sidaasna waxa lagu bayaamiyey war-murtiyeed shalay ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland, waxaana lagu sheegay warmurtiyeedkaasi in Soomaaliya aanay siyaasad ahaan iyo amni ahaan awood u lahayn inay xafido Hubka iyo Rasaasta, sida ku cad Warbixinta Golaha Ammaanka la horgeeyey 9kii bishan November oo qiraysa in aanay Soomaaliya tahli karin inay hanato hubka iyo saannada ciidammada.

Xukuumadda Somaliland waxay ku ammaantay Golaha Ammaanka Qarammada Midoobay tallaabada ay ku sii adkeeyeen cunaqabatayntii hubka ee saarnayd Soomaaliya.

Xukuumadda Somaliland waxay xaqiijisay inay aaminsan tahay in hub kasta oo la siiyo Soomaaliya uu halis ku yahay Somaliland, dalalka jaarka iyo ammniga adduunkaba.

Xukuumadda Somaliland waxay intaas ku dartay inay si xoog leh u cambaareynayso dalalka hubka siiya Soomaaliya, iyadoo hubka la siiyaa uu aakhirka ku dambeeyo gacanta kooxaha argagixisada iyo maleeshiyo beeleedyada Soomaaliya.

Dowladda Somaliland waxay ku boorisay beesha caalamka, gaar ahaan Golaha Ammaanka Qarammada midoobay inay sii wadaan cunaqabataynta hubka Soomaaliya oo xoojinaysa wadajirka nabadgelyada mandaqada iyo ammaanka caalamkaba.

Xukuumadda Somaliland waxa kaloo ay soo dhaweysay heshiiska nabadeed ee dalalka Itoobiya iyo Ereteriya iyo murankii dhinaca xudduudaha ee u dhexeeyay labadaas dal iyo furdaaminta khilaafka soohdimaha ee ka dhex oognaa illaa 2008dii Jabuuti iyo Ereteriya, waxaanay Somalialnd ku baaqday in waanwaantaasi noqoto mid iskaashi u horseeda gobolka.

Xukuumadda Somaliland waxay ku guubaabisay Golaha Ammaanka Qarammada midoobay, urur-goboleedka IGAD, Midowga Afrika iyo xubnaha dalalka Qarammada midoobay in ay taageeraan sidii dib loogu bilaabi lahaa wada-hadalkii u dhexeeyey Somaliland iyo Soomaaliya, oo ah mid faa’iido ugu jirto mandaqada iyo nabadgelyada caalamka.

Waxa kaloo warsaxaafadeedka wasaaradda Arrimaha dibadda Somaliland lagu sheegay in gobolka Geeska Afrika ay soo mareen heshiisyo la mid ah kuwa Somaliland iyo Soomaaliya; sida Itoobiya iyo Ereteriya iyo Suudaan iyo Koonfurta Suudaan.

Ugu dambayn, waxa war-murtiyeedka lagu sheegay in Somaliland kaalin ka geysatay xasiloonida mandaqada 27kii sannadood ee la soo dhaafay, waxaanay ku dooday inay wali la tacaalayso kooxaha argagixisada, kuwa dadka tahriibiya, waxaanay mudnaanta siinaysaa sidii gobolku iskaashi dhaqaale u gaadhi lahaa.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply