Gudida Qandaraasyada Qaranka oo Shaaciyay Siddeed Mashruuc

0
615

Hargeysa(Dawan):- Gudida qandaraasyada qaranka ayaa furay tartanka sided mashquur oo aad u waawayn oo ay ka soo qayb galeen shirkado badan oo dananaynayay qandaraasyadaas in ay ka qayb galaan.

Tartanka sideeda mashruuc oo ay ka soo qayb galeen in ka badan 70 shirkadood,ayaa waxaa ka war bixiyay guddoomiyaha gudida qandaraasyada qaranka Somaliland Nuux Maxamed Xuseen.oo sheegay in ay sharaf wayn u tahay Somaliland in lagu soo dhiirado qandaraasyada ay dawladdu bixinayso oo ay ka soo qayb galaan in ka badan 70 shirkadood.

Guddoomiye Nuux oo arrintaa ka hadlayaana waxaa uu yidhi. ‘Maanta(dorraad) waxaanu furnay sided mashruuc oo aad u waawayn waxaa ka soo qayb galay in ka badan 70 shirkadood,waa sharaf u soo hoyatay qaranka Somaliland waa sharaf u soo hoyatay xukuumadda uu gadh wadeenka ka yahay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi,waxaanu halkan ka caddaynayaa oo aan shirkadaha tartanka ka qayb gelaya aan leeyahay waxaan halkan idiinka ballan qaadaynaa in aad naga helaysaan sinnaan iyo caddaalad.”ayuu yidhi Guddoomiye Nuux Maxamed Xuseen.

Waxaa kale oo halkaa iyaguna ka hadlay xubno ku hadlayay magaca shirkadaha tartamayay oo sheegay in tartanka ay ku kalsoon yihiin isla markaana ku qanacsan yihiin wax kasta oo ka soo baxa ka dib markii ay ku qanceen hannaanka gudida qandaraasyada qaranku ay u qabato tartamada oo ah xilligan kuwo cad oo aan mad madaw ku jirin. “halkan(gudida qandaraasyda) nin jeclaysi iyo shirkad jeclaysi midna kama jiro waanan ku kalsoonnahay wixii nasiibkayagu naga siiyana waanu ku qanacsannahay.”ayuu yidhi mid ka mid ah masuuliyiinta shirkadaha tartanka ka qayb qaadanayay.

Maxamed Diiriy Xayd oo ka mid ah xubnaha gudida qandaraasyada qaranka iyo agaasimaga gudida qandaraasyada qaranka Maxamed Axmed Xasan Jabarti ,ayaa iyaguna dhankooda ballan qaaday in cid kasta oo tartanka ka qayb gashay ay heli doonto waxa ay xaqa u leedahay. “waxaanu ballan qaadaynaa sidaa aanu imika hortiina ugu qabanay in aanu u qabanayno oo qofkii xaq lihi uu xaqiisa helayo.”ayuu yidhi Xayd.

“gudida qandaraasyada qaranku waxay ballan waxay idiin qabanayaan tartan xor iyo xalaal ah oo aan qof jeclaysi iyo shirkad jeclaysi midna aan lahayd oo caddaan aad u arkaysaan.”

Waxaa kale oo ka hadlay madaxda wasaaradaha sideedda mashruuc loo fulinayo oo soo dhaweeyay hannaanka tartanka loogu qabtay mashaariicda loo fulinayo.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply