Madaxweyne ku Xigeenka oo ka Qayb Galay Xuska Dhalashada Nebiga SCW

0
652

Hargeysa (Dawan):-Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa ku hambalyeeyay shucuubta Islaamka iyo Bulsho waynta reer Somaliland xuska maalinta dhalashada Nebi Muxamed (SCW).

Xuska dhalashada Nebi Muxamed (SCW) oo ku beegan 12 bisha Rabiicul awal sanadka 1440 hijriyada Islaamka ayaa si weyn oo aan loo kala hadhin looga xusay Somaliland.

Magaaladda Hargeysa ee xarunta Jamhuuriyadda Somaliland waxaa lagu qabtay xaflado looga hadlayo taariikhda dhalashada nabiga ,waxaan khudbado ka jeediyey culima-diinka waa weyn, madaxda iyo masuuliyiinta kala duwan ee dawladda oo oo ugu horeeyo madaxweyne ku xigeenka Somaliland.

Culimadda kala duwan ee dalka oo sitay boodhadh lagu soo xardhay magaca nabigeeni suubanaa ayaa socdaal ku soo maray jidadka waa weyn ee halbowlaha u ah caasimadda.

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland oo xuska dhalashadda nebigeena suubban (scw)kala qayb galay kummanaan ka mid ah dadweynaha caasimadda Hargeysa,ayaa tilmamay sharafta iyo xuska dhalashada Nebageena Suubban CSW waxaanu yidhi “Waxaa sharaf weyn ii ah in aan ka soo qayb galo xuska maalintii uu dhashay nebigeeni shariifka ahaa(scw), waxaan halkan hambalyo uga dirayaa dhammaan shucuubta islaamka iyo shacabka reer Somaliland guda iyo dibadba meelkasta oo ay joogaanba, inay ku ciidaan oo ay ku xusaan maalintan qiimaha iyo sharafta leh, oo ah maalintii kheyru khalkhulaah ILLAAHAY umadda u doortay ifka keenay, maalin kheyr leh iyo habeeno kheyr leh inaad ku ciidaan, waxaan leeyahay xaflad sheekh iyo shariif aynu nahayba waynu joognaa maalin walba, sheekh iyo shariifba waxaynu isugu nimaadnaa xafladdo cid kale loo dhigey kuwo aan macno badan ku fadhiyin sida maalinta biyaha, maalinta Aidska, maalinta falaxalka iyo maalmo kale aynu ka qayb galno, inaynu curfi ka dhigno maalintii uu nebigeenu dhashay SCW in la xuso, in dadka qaarkii curfi ka dhigaan amase ka dhigaan wax khaldan maaha, iilama muuqato inay jirto maalin ka qiimo badan oo la xusa adduunka korkiisa inaanay jirin”

Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaasi raaciyay “Waa muhiim in aynu maalintan isu nimaadno oo taariikhda nebigeena ka sheekeyno, ubadkeenuna ogaadaan maalintan, oo siiradda ay bartaan barashadda siiradda rasuulkuna(scw) waa waajib inna saaran meelaha aynu isugu nimaadnana in aynu kun iyo kow jeer ku salino waa SCW waa wax aad iyo aad u wanaagsan ”

Guddoomiye ku xigeenka golaha wakiiladda Somaliland Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle oo si qoto dheer uga hadlay xuska dhalasahda nebigeenna Suubban isla markaana faah faahin ka bixiyay sida loogu baahan yahay in xuska dhalasahda rasuulkeenna suubban(scw) in uu noqdo mid aynu ku baraarug snnahay oo aynu waynayno.waxaanu yidhi. “Waar haddaan maanta leyno dhibceyn oo waa bidcadda lagu tuuro quraanka oo khaldan ayaynu imika laaqlaaqan laheyn, muxuu Abibakar u sameyn waayay mawliidka, muxuu Cumar u sameyn waayay, jaceylka Abibakar u qabay nebiga haddii boqolaal kafadood la saaro iyo jacaylka umadda Nebigoo dhan la saaro ta Abibakar ayaa kow noqoneysa taasina shaki kuma jiro, markaad rabiicul awal aad u dhigto carrruurtaada ee gabadhaada aad biilka u kordhiso ILLAAHAY meel kale ayuu kaaga kordhinayaa habeenkaasi kheyrka badan”Ayuu yidhi gudoomiye ku xigeenka koobaad ee golaha wakiiladda Somaliland mudane Axmed Yaasin Sheekh Cali Ayaanle

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply