Weftigii Madaxweynaha oo si Weyn loogu soo Dhaweeyey Burco

0
663

Burco (Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo oo maalmahanba safar shaqo ku jirey, ayaa si baaxad leh loogu soo dhaweeyey gudaha magaalo-madaxda gobolka Togdheer ee Burco iyo magaalooyinka dhinaca galbeed kaga teedsan.

Madaxweynaha iyo weftigiisa oo shalay hiirtii hore ka kallahay magaalada Berbera, ayaa soo dhaweyn aan kala hadh lahayn kala kulmay shacabka ku dhaqan tuulooyinka iyo magaalooyinka u dhexeeya Berbera iyo Burco, kuwaas oo caleemo qoyan iyo calanka Jamhuuriyadda Somaliland ku soo dhaweynayey madaxweynaha iyo weftigiisa.

Shacab-weynaha ku dhaqan magaalada Burco oo ay hormood u yihiin maamulka heer gobol iyo heer degmo, xildhibaanno, madaxda dhaqanka qaybaha kala duwan ee bulshada, haween-weyne tiro badan, dhallinyarada gobolka, aqoonyahanka, siyaasiyiinta iyo haldoorka gobolka Togdheer, ayaa soo dhaweyn baaxad leh ku qaabilay madaxweynaha iyo weftigiisa, kuwaas oo safaf dhaadheer kaga jirey duleedka galbeed Burco iyo waddooyinka halbowlaha ah ee magaalada dhex mara, isla markaana astaanta calanka Jamhuuriyadda Somaliland iyo caleemo qoyan lulaya.

Guddoomiyaha gobolka Togdheer, Mudane Xamse Maxamed Cabdi, duqa degmada Burco, Mudane Maxamed Yuusuf Cabdiraxmaan, Wasiirrada wasaaradaha Arrimaha gudaha iyo caafimaadka, Maxamed Kaahin Axmed iyo Dr. Xasan Ismaaciil Yuusuf iyo xubno kale oo halkaas ka hadlay, ayaa bulshada bulshada reer Burco ku bogaadiyey sida asluubaysan ee ay madaxweynaha iyo weftigiisa usoo dhaween.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo shacabka reer Burco ee soo dhaweeyey khudbad dhinacyo badan taabanaysa u jeediyey, ayaa ugu horrayn ka mahadceliyey sida milgaha leh ee loo soo dhaweeyey, waxana uu ku ammaanay sida isku duubnida iyo wada-jirka ah ee ay usoo dhaweeyeen.

Madaxweynaha oo qodbad aad u qiimo badan u jeediyay kummanaan dadweyne ah oo isugu soo baxay khayriyada magaalada Burco,ayaa sheegay in dalku uu yahay dimuquraadi leh sadex xissbi qaran oo aragtida siyaasadeed ku kala duwanaan kala isla markaana dalka dawa leh ll ka wada shaqaynaya horumarkiisa. “Waxa aynu leenahay saddex xisbi oo ra’yigoodu kala duwan yahay oo haddana dalka wada leh oo wada maamulaya, ceebna ma aha inay xisbiyadu kala duwanaadaan, waxa ceeb ah inaynu qaranka wada dhisi weynno innaga oo xisbiyo ah, waxa ceeb ah inaynu qaranka u wada guntan weynno, laakiin inaynu kala ra’yi duwanaannaa waa maslaxadda dalka oo talada kala duwan baynu ku dhismaynaa, waxaynu nahay ummad kala duwan oo haddana mid ah, maantana anigu markaan halkan Joogo waxan xidhanahay koofiyaddii qaranka labada xisbi ee kale iyo KULMIYE iyo dadka oo dhanna waan u simanahay oo madaxweynahoodii baan ahay, mid walibana xaq buu igu leeyahay, aniguna mid walba xaq baan ku leeyahay,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu sharraxay mashaariicda horumarineed ee xukuumaddu ka fulisay deegaannada gobolka Togdheer, waxanu sheegay inay xukuumaddu sanadkan kor u qaadday tirada shaqaalaha gobolka, waxaanu yidhi, “Bankii Aroori oo mashruuc weyn ahaa wuu inoo dhammaaday, 80,000 (Siddeetan kun) oo neef baana daaqa ka baxaya cuni doona, waana 20,000 (labaatan kun) oo higtar oo inoo keydsan oo aynu wada leenahay oo la wada daaqayo, kuwaas iyo kuwo kalena waynu u baahannahay. Inkasta oo ay dawladdu bilow tahay waxay shaqaalihii hore oo ahaa 1770 (Kun iyo toddoba boqol iyo toddobaatan) maanta ku kordhinaynaa 516 shaqaale cusub ah.”

Madaxweynuhu waxa uu bulshada la wadaagay qaar ka mid ah caqabadaha ugu waaweyn ee hor taagan horumarka bulshada iyo daboollida baahiyaha aasaasiga ah ee bulshada, isaga oo caddeeyey in xallinta khilaafaadka shacabka dhexdiisa ahi yahay ibo-furka horumarka. “Carqaladaha ina hor taagan waxa ka mid ah khilaafka dhexdeenna ah inaynu gudaheenna ka daminno, ummad baynu nahay oo waa la is khilaafayaa oo xisbiyadaa is khilaafaya oo deegaannadaa is khilaafaya, waxase aynu jiraynaa oo wax qabsanaynaa marka aynu khilaafkeenna ka dhiganno mid qoys, haddaanu xisbiyada nahay oo aanu qaylo badannahayna waannu joojinaynaa, haddaannu joojin weynnona idinkaa na qabanaya, waayo idinkaa na doortay, annaguna dalka nabad mooyaane u horseedi mayno khalkhal,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu sharraxay dhibaatada ay qaranka ku hayso isku dhaca beeluhu iyo sida ay dhiig-baxa ugu tahay dhammaystirka baahiyaha aasaasiga ah, waxaanu yidhi isagoo arrintaa ka hadlaya. “Maalin walba ku noolaan kari mayno oday daalay oo suldaan ah, sheekh caalim ah, dawladdii iyo dadkii oo dhammi inay noqdaan wax laga nixiyo, wax gurmanaya oo la maqli waayo iyo wax is laynaya oo la kala qaban kari waayo, qabaa’ilkii iyo reerihiina dhibaatadaasaa innaga haysata, dhammaanteenna waa inaynu gacmaha isu qabsanaa inaynu ka hor tagno dagaalka qabaa’ilka ah ee aan waxba ku dhisnayn. Iskuulka aynnu doonayno, biyaha aynu doonaynno, waddada aynu doonayno iyo jaamacadda aynu doonayno dhaqaalaheedii waxa uu ku baxay gurmad iyo kala qabtaay.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply