Madaxweyne ku Xigeenka Somaliland oo Maanta Furaya Shir lagu Qabanayo London

0
828

London (Dawan): Madaxweyne ku xigeenka jamhuuriyadda Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici), oo safar shaqo ku jooga dalka Ingiriiska ayaa maanta magaaladda London ka furaya shir ku saabsan sidii jaaliyaduhu xukuumadda ugala shaqayn lahaayeen siyaasadda arrimaha dibadda.

Shirkan oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ayaa u jeedadiisu tahay midaynta jaaliyadaha reer Somaliland ee wadamadda dibadaha ku nool iyo sidii ay qurbe joogtu xukuumadda ugala shaqayn lahaayeen siyaasadda arrimaha dibadda.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Saylici, oo shalay ka degay magaaladda London ee caasimadda dalka Ingiriiska, waxaa madaarka diyaaradaha magaaladda London ee Heathrow ku soo dhaweeyay wakiilka Somaliland ee Ingiriiska marwo Ayaan Cashuur iyo jaaliyadda Somaliland u dhashay ee degan Lonodon.

C/raxmaan Saylici, oo garoonka diyaaradaha Heathrow kula hadlay TV-ga qaranka Somaliland ayaa faahfaahin ka bixiyay u jeedadda safarka uu ku yimid London. Waxaanu yidhi “Waxaan u socdaa, shir weyn oo ay qaban qaabisay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland oo ka dhacaya London maalinta Sabtida beri (maanta).

Iyadoo shirkaasi looga gol leeyahay in lagu mideeyo qurbe joogta Somaliland iyo sidii ay ugala shaqayn lahaayeen xukuumadda siyaasadda arrimaha dibadda iyo horumarka dalka iyo sidii guud ahaan looga wada shaqayn lahaa, ee looga bixi lahaa tafaraaruqa.

Si loo hello ama loo gaadho yoolka aynu leenahay ee ah in qaranka Somaliland uu noqdo qaran ka mida qaramadda caalamka. Shirkaasi ayaan u imid iyo shirar kale oo noo qabsoomi doona”.

Geesta kale madaxweyne ku xigeenka Somaliland waxa uu sheegay in mudadda uu jooga dalka Ingiriiska in uu kulamo la yeelan doono xubno ka tirsan baarlamaanka dalka Britain iyo sidoo masuuliyiin ka tirsan dawladda boqortooyadda Ingiriiska.

“Waxa kaloo qorshaysan inta aan joogo Ingiriiska in aan la kulmo baarlamaanka dalka Ingiriiska aqalka sare iyo aqalka hoose-ba. Dabcan mar haddii aan wadanka Ingiriiska imid wixii kale ee aan dawladda Britain masuuliyiinteeda kala kulmi karo haddii ay suurto gal noqoto in aan la kulmo.

Sidoo kale waxaan la kulmi doonaa jaaliyadda reer Somaliland ee halkan (London) ku sugan oo jaaliyad weyn ah, oo runtii jaaliyadaha ugu waaweyn ee Somaliland dibadda ka jooga ay London tahay meesha dadka ugu badan joogaan”ayuu yidhi madaxweyne ku xigeenka Somaliland.

Wakiilka Somaliland u jooga dalka Ingiriiska Ayaan Maxamuud Cashuur, oo madaarka ku soo dhawaysay madaxweyne ku xigeenka ayaa tilmaantay in ay aad ugu faraxsan tahay in ay soo dhawayso madaxweyne ku xigeenka, isla markaana ay ka safiir ahaan iyo qurbe jooguba aad u xiisaynayaan khudbadda uu shirk aka jeedin doono.

Danjire, Ayaan Cashuur, oo arrimahaas ka hadlaysay waxay tidhi “Sharaf weyn ayay noo tahay, ka safiir ahaan iyo jaaliyadda reer Somaliland ee London ku nool oo dhan-ba, in uu maanta (shalay) halkan (London) nagu soo booqday madaxweyne ku xigeenka jamhuuriyadda Somaliland mudane, C/raxmaan C/laahi Saylici.

Madaxweyne ku xigeen, ku soo dhawoow dadkaagii oo kuu diyaar ah. aad iyo aad ayaanu u sugaynaa khudbadda uu berito (maanta) shirka inoogu furi doono. Wax weyn-na way noo tahay oo muddo dheer madaxweyne ku xigeenku namuu soo booqan.

Markaa runtii aad iyo aad ayaanu madaxweyne ku xigeen kuu so dhawaynaynaa, sharaf weyn-na way noo tahay in aanu halkan (London) kugu qaabilno”.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply