Shirkadda ku Guuleysatay Dhismaha Jidka Hargeysa iyo Kalabeydh oo la Shaaciyay

0
557

Hargeysa (Dawan) Guddoomiyaha gudidda qandaraasyadda qaranka Somaliland mudane Nuux Maxamed Xuseen ayaa shaaca ka qaaday shirkadda ku guuleysatay dhismaha jidka isku xidha Hargeysa illaa degmadda Kalabeydh.

Guddoomiyuhu waxaa uu sheegay in dhismaha jidkani ay tartan xor iyo xaal ah u galeen shirkado dhan 11, hase ahaate saddex shirkadood oo kali ahi ay isugu soo hodheen liska, islamarkaana ay u qori tuureen.

Waxaanu xusay in shirkadda la yidhaaho Somaliland Hono Group ay ku guuleysatay dhismaha jidka isku xidhi doona Hargeysa ilaa degmadda Kalabeydh.

Guddoomiyaha guddida qandaraasyadda qaranka mudane Nuux Maxamed Xuseen waxaa uu ku dhawaaqay shirkadda ku guuleysatay dhismaha waddada isku xidhi doonta Hargeysa ilaa degmadda Kalabeydhe ee gobolka Gabiley waxaanu yidhi “11 shirkadood ayaa u soo tartamay, saddex shirkadood ayaa (short lis-ka) soo galey, Management and Enginering Company, Somaliland Hono Group, Amal jv, Civil Enginering and Contract Company, saddexdaasi shirkadood ayaa short liskii ku soo baxay, waxaana nasiibku siiyay oo ku guuleystay Somnaliland Hono Group, sideedaba tartanka laba qof iyo saddex midina ma wada helaan, shirkad uunbaa Illaahey calafka ugu daraa”

Maareeyaha hay’adda wadooyinka Somaliland Cismaan Sheekh Cabdi ayaa sheegay in tartanka loo galay dhismaha jidkani uu yahay mid ku dhammaaday guul waxaanu yidhi “Waxaa wax lagu farxo ah in aan maanta wax dhibaato ahi ka jirin, amase muran oo shirkadii ku guuleysatay dhismaha wadadaasina lagu dhawaaqay, taasi oo ah Somaliland Hon Group, amase shirkadda uu hogaanka ka yahay Cabdirisaaq Cumaani, sidoo kale waxaan u mahad celinaya hay’adda qandaraasyadda qaranka Somaliland”

Gudoomiyaha shirkadda tartankani ku guuleysatay ee Somaliland Hon Group Cabdirisaaq Jamaal Ismaaciil (Cumaani) oo isna ugu danbey madashaasi hadal kooban ka jeediyay ayaa balanqaaday inay xil weyn iska saari doonaan dhameystirka dhismaha wadadani waxaanu yidhi “Illaaheybaan ugu mahad naqayaa in shirkadda guuleysatay ay noqotay shirkadeydii, waanan u mahad celinayaa dhammaan, sida wanaagsan ee naloo tartansiiyay anaga iyo companiyaddii kale ee ka qayb qaatay tartankani, iyo shaqadii badneyd ee ay qabteen waan uga mahad celinayaa, anagana hawsha nalaga rajeynayo iyo shaqada nalaga sugayo intaba si fiican ayaanu u qaban doonaa, waliba in aanu libin laabno dadaalka dhismaha wadaaadaasi, ayaanu rajeynaynaa Illaaheyna nala qabto idinkuna aad noo soo duceysaan”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply