Somaliland oo ka Qayb Gashey Shir Caalamiya oo ka Dhacay Faransiiska

0
500

Hargeisa (Dawan)Wakiilka somalilnad u fadhiya dalka faransiiska Ambassador Cali Ismaaciil Xasan ayaa ka qaybgalay shirkii 13aad ee ka faa’iidaysiga kheyraadka baddaha calaamka oo sannad kasta lagu qabto dalka faransiiska wuxuuna safiirku kusoo bandhigay intii uu shirku socoday fursadaha maalgashi ee ka banaan Somaliland dhinacyadda kalluumaysiga, macdanta, beeraha, dalxiiska iyo warshadda oo baahan inay dunidu maalgalin ku sameyso .

Danjire Cali Ismaaciil Xasan oo faahfin ka bixinaayey waxa uu kusoo bandhigay madasha shirka ayaa yidhi” waxaan si guud uga warmay sooyaal tariikheed ee ay soo martey Somaliland dhinaca doorashooyinka madaxtooyadda golaha wakiilladda golayaasha deegaanka oo sii wanaagan uga qabsoomay oo aan ka hirgalin dalal badan oo ka mid ah caalamka “

Md Cali Ismaaciil Xassan, Danjiraha u fadhiya dalka Faransiiska ayaa ugu baaqay shirkadaha Faransiiska iyo kuwa Caalamka inay ka faa’iidaystaan maalgashiga baddaheena amaanka ah

Shirweynahan sannadlaha ah, oo ka soo qeybgaleen shirkado maalgashi, xirfadlayaal iyo kuwa ganacsiga kheyraadka baddaha, ee Faransiiska iyo kuwo caalami ah, isla markaana uu furay Wasiirka Deegaanka iyo Nabadgelyada Faransiiska Mr François de Rugy, ayuu faahfaahin kaga bixiyey muhiimada ay leedahay ka faa’iidaysiga kheyraadka baddaha gudaha iyo kuwa caalamka ee fursado maalgashi ku haboon yihiin.

Mr. Rugy ayaa sheegay in dalkiisu soo dhoweynayo, diyaarna u yahay ka faa’iidaysiga baddaha dihin, isla markaana wadamadoodu diyaar u yihiin isdhaafsiga dannaha labada dhinac.

Danjiraha Somaliland u fadhiya faransiiska Md Cali Ismaaciil Xassan oo khudbad ka jeediyey mudadii saddexda maalmood ee shirku socday ayaa faahfaahin balaadhan ka bixiyey xaalada nabadgelyo ee baddaha dalkeena iyo fursadaha maalgashi ee ka banaan.

“Somaliland oo leh xeeb dhererkeedu gaadhayo 850KM nabad ah, fursado maalgashi kala duwan ayaa ka jira, cid kastoo iskaashi dhaqaale iyo maalgashi u dan ah shacabka Somaliland haysa waan soo dhoweynaynaa,” ayuu yidhi

Shirweynahan oo ah sannadkii saddexaad ee si joogto ah loogu soo martiqaaday Somaliland, isla markaana, gebagebadii kulamo gaar gaar ah dhexmareen shirkadahii ka soo qeybgalay iyo Danjire Cali Ismaaciil, la xidhiidha fursadaha labada dhinac iska kaashan karaan, ayaa sii labanlaabi doona dedaaladii xukuumada ugu jirto gaadhitaanka ictiraafka iyo horumarka dhaqaale ee dalka.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply