“Soomaaliya Qaramada Midoobay Madaafiic Ayey Ku Gaarcday Annaga Diyaarado”

0
593

Hargeysa (Dawan)- Guddoomiyaha guddi hoosaadka arrimaha dibedda ee golaha guurtida Somaliland, Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Indho Indho) ayaa ka hadlay siday ay gole ahaan u arkaan in Muqdisho laga caydhiyo wakiilka Xoghayaha guud ee qaramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya, waxaanu sheegay in ay gaadhay xilligii jimciyada quruumaha ka dhaxaysaa ay u garaabi lahayd qadiyada Somaliland.

Guddoomiyaha guddi hoosaadka arrimaha dibedda ee golaha guurtida Somaliland, Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Indho Indho) oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Annagu wixii aanu weligay ka qaylinaynay maanta haddii qaramada midoobayn nala arkeen oo wakiilkii qaramada midoobayn Xamar joogi kari la\yahay, iyaga tusaale fiican ayey u tahay, wayna ladan yihiin qaramada midoobayn haddii madaafiic lagu gaaracay annaga diyaarado ayey nagu garaaceenee.|

Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Indho indho) waxa uu golaha qaramada midoobay iyo beesha caalamka ugu baaqay in ay soo degaan Somaliland oo ay nabadgelyo buuxda ka jirto, waxana uu yidhi “Wakiilka Xoghayaha guud ee qaramada midoobay iyo jimciyada quruumaha ka dhaxaysa waxaan ugu baaqaynaa in ay askarta iska reebaan oo Somaliland yimaadaan inta aanay sidayadii diyaarad ku garaacin.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply