Xisbiga UCID oo Ku Eedeeyay WADDANI in uu Caqabad Ku Yahay Doorashooyinka

0
689

Hargeysa (Dawan):- Xisbiga mucaaridka ah ee UCID,,ayaa ku eedeeyay xisbiga kale ee Mucaaridkaah ee WADDANI, in uu caqabad ku yahay qabsoomidda doorashooyinka wakiilada iyo goleyaasha deegaanka ee Somaliland oo la isla qaatay in ay qabsoomaan dhammaadka sannadkan bilowga ah.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo shalay warbaahinta kula hadlay magaalada Hargaeysa, ka dib markii uu soo dhammaaday kulan gaar ahaa oo ay wada yeesheen saddexda xisbi qaran ee KULMIYE, WADDANI iyo UCID oo warbaahintu aanay ka qayb gelin.

Eng. Faysal Cali Waraabe waxa uu intaas raaciyay in UCID ay shirkaa xisbiyada tanaasul la tagtay islamarkaana ay diyaar u yihiin ka xisbi ahaan ciddii ku raacda tasaasulkooda in ay taageeraan.

Waxa kale oo uu ku eedeeyay xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI in aanu raalli ka ahayn doorasho ka dhacda Somaliland, isla markaana xisbigaasi uu meelo kale ku xidhan yahay.

Guddoomiye Faysal oo arrimahaa ka hadlayayna waxa uu yidhi. “Waxaannu ku heshiinay manta (shalay) in aannaan hadal oo aanu isu soo seexanno, annagu (UCID) ahaan tanaasul ayaannu keenay, tanaasulkaana labada xisbiba way nagu diideen, haddana waa la isku soo noqday, waxaanan u sheegnay ciddii naga ogolaata tanaasulka in aanu taageerayno. Qorshahayagu UCUD ahaan waa in dalka doorasho ka dhacdo 2019-ka.

Hadday doorasho dhici waydo Somaliland mugdi ayay gelaysaa, markaa halkaas ayaanu ka duulaynaa. Xisbigu mawqif ayuu leeyahay, danta qaranka ayaanu wax kasta ka horraysiinaa, laakiin haddaanu runta idiin sheegno WADDANI wuxuu wataa ajande aan Somaliland ahayn, in aan dalka doorsaho ka dhicin ayuu wataa, waxaa ku jira shaqsiyaad aanu ognahay meelaha ay ku xidhan yihiin. Markaa waannu isku dhaaranaynaa in doorasho dhici waydo iyo in ay dhacdo.”

Guddoomiye Faysal ayaa intaa ku daray isaga oo hadalkiisa sii wata. “Annagu (UCID) meel uu ku tanaasulay ma ogin laakiin waxaan garanaynaa oo keliya in labadayadaba (UCID iyo WADDANI) doorashadii la naga helay, haddii uu taa tanaasul u qaatayna waa nasiib darro.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply