Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Oo Soo Bandhigtay Shaqaalaha Cusub laga Qaatay lixda Gobol

0
713

Hargeysa (Dawan)- Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Somaliland md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle, ayaa soo bandhigay inay guul ugu soo dhamaatay shaqadii wajiga 1aad shaqaalaysiinta ay Dawladdu guud ahaan dhamaan goboladda dalka kaga wada qaadatay shaqaalaha 300 qof ee wiilasha iyo Gabdhaha aqoonyahanka muwaadiniinta ah iskugu jiray, waxaanu guddoomiye Sharmarke Geelle inay haya’adda shaqaaluhu sido kale bilaabayso tababaro loo qaban doono 300 qof ee shaqaalaha cusub oo noqon doona tababaro lagu tayeynaayo iyo in waliba wasaaradaha iyo hay’addaha dawladda ee baahida u qaba sidii ay u soo kala codsadaan loogu qaybin doono shaqaalahaasi cusub.

Md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle, ayaa isaga oo ka waramaayey inay hay’adda shaqaalaha dawladda ee Somaliland ku guulaysatay bilawga shaqaalihii cusba ee dawladu ay Goboladda dalka gobol kasta 50 aqoonyahan Tartanka Imtixaanka loo galay kaga qaadatay iyada oo guddoomiye sharmarka Geelle hoosta ka xariiqay in 300 boqol ee shaqaalaha cusub ee dawladdu qaadatay dhamaantood

Leave a Reply