Madaxweyne Ku Xigeenka oo Kormeeray Mashaariic Horumarineed Oo Caasimadda Hargaysa Laga Higeliyay

0
619

Hargaysa (Dawan): Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa shalay kormeer ku tegay xarunta dawladda hoose ee Hargaysa iyo goobo ka mida meelaha laga fuliyay mashaariicda horumarineed ee caasimadda.

Kormeerka madaxweyne ku xigeenka ayaa salka ku hayay u kuur-gelida mashaariicda horumarineed ee laga maalgeliyay barmaamijka JPLG-ga sida uu uga socdo gudaha caasimadda Hargaysa.

Waxaana ka mid ahaa goobihii uu madaxweyne ku xigeenku kormeerka ku soo maray xarunta guud ee Dab-demiska Hargaysa iyo dhawr Sariibadood oo laga dhisay xaafadaha ay degan yihiin dadka danyarta ah.

Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa markii uu tegay xarunta dawladda hoose ee Hargaysa waxaa halkaa ku qaabilay maayarka caasimadda iyo xildhibaanadda golaha degaanka Hargaysa.

Madaxweyne ku-xigeenka oo hadal ka jeediyay kadib markii uu kormeerka ku soo maray goobaha ay ka socdaan mashaariicda laga maalgeliyay barnaamijka JPLG-ga ayaa sheegay in dawladda hoose ee caasimadda Hargaysa looga baahan yahay inay hormood u noqdaan goleyaasha degaanka dalka.

Waxaanu C/raxmaan Saylici, talooyin u soo jeediyay xildhibaanadda golaha degaanka ee caasimadda. Waxaanu yidhi “Idinku (dawladda hoose ee Hargaysa) waxaad tihiin caasimadii, waa Ishii dalka. Waxaa loo baahan yahay in aad hormood noqotaan, haddii ay canaantu idinku badata na waxaanu jecelnahay in aad sii dheeraysaan.

Maanta (shalay) waxan aad soo bandhigteen waa horumar weyn. Laakiin, waxaa laga yaabaa in aanay muuqan. Waxaa loo baahan yahay in aad horumarka ugu horaysiisaan nadaafadda”.

“Waxaan idinkula dar-daarmayaa in aad xafiisyadda ku qaadataan saacadihiina shaqo oo aanay dhicin in la idin waayo. Waanan idiinku hambalyaynayaa shaqadaa culus ee aad qabateen” ayuu yidhi Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland.

Maayarka caasimadda Hargaysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) ayaa madaxweyne ku-xigeenka warbixin ka siiyay mashaariicda horumarineed ee ka socda magaaladda.

Isagoo arrimahaas faahfaahinayayna waxa uu yidhi“Madaxweyne ku-xigeen, waxaanu halkan ku soo bandhignay waxa nooga qabsoomay barmaamijka JPLG-ga. Waxaanu hirgelinay ku dhawaad 30 waddo oo cusub, xarumo caafimaad iyo xarumo waxbarasho.

Waxaanu bixinaa gunnadda iyo mushaharka qaar ka mida macalimiinta dugsiyadda caasimadda. Waxaanu lacag kab ah siinaa dugsiyo, dhamaanteed na waa taa la soo bandhigay ee aynu soo aragnay. Waxa suurta gala in aanay waxaas aanu dhisaynaa muuqan, sababtoo ah waa magaalo weyn oo ay ku nool yihiin dad gaadhaya 1 milyan iyo 200,000 oo qof”.

Geesta kale hawl-wadeenadda barnaamijka maamul-daadejinta ee barnaamijka JPLG-ga iyo xubno ka tirsan golaha wasiirradda ayaa iyag-na dhankooda ka makhraati kacay kor-u-kaca ay caasimadu samaysay mudadii uu jiray barnaamijka JPLG-gu.

Leave a Reply