Wasaarada Difaaca Somaliland iyo Boqortooyada Ingiriiska oo ka Wada Hadlay Iskaashiga Difaaca Labada Dal

0
733

Hargeysa (Dawan):- Wasaaradaha gaashaandhigga Somaliland iyo boqortooyada Ingiriiska, ayaa ka wada hadlay iskaashiga difaac ee labada dal iyo sii xoojintooda, ka dib markii wasiirka gaashaandhigga Somaliland Eng. Ciise Axmed Yuusuf (Xawar) oo uu weheliyo taliyaha ciidanka qaranka Somaliland Sarreeye Gaas Nuux Ismacil Taani ay dalka ku soo dhaweeyeen wasiirka difaaca dawladda Ingriiska (Uk) Gavin Williamson oo Somalilad ku yimi booqasho rasmi ah.

Wasiirka difaaca Somaliland oo dalka ku soo dhaweeyay dhigiisa boqortooyada Ingiriiska, ayaa sheegay in ay labada dal ka wada shaqaynayaan xidhiidhka difaac ee labada dal iyo sii xoojintiisa.

Waxa kale oo ay labada dhinac ka wada hadleen sidii labada dhinac ay iskaga kaashan lahaayeen sii xoojinta xidhiidhkooda.

War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda gaashaandhigga Somaliland oo lagaga hadlay soo dhawaynta wasiirka difaaca Boqortooyada Ingiriiska oo Somaliland booqasho rasmi ah ku yimi, ayaa u dhignaa sidan. “Wasiirka wasaaradda gaashaandhigga Somaliland Eng. Ciise Axmed Yuusuf (Xawar) oo uu weheliyo taliyaha ciidanka qaranka Somaliland Sarreeye Gaas Nuux Ismacil Taani ayaa dalka ku soo dhaweeyey Xoghayaha difaaca dawlada Ingriiska (UK) Gavin Williamson, oo ka soo dagay Gagida diyaaradaha ee Cigaal International Airport.

Wasiirka ayaa sheegay in ay ka xukuumad ahaan si weyn u soo dhawaynayaan Xoghayaha Difaaca Dawlada Ingriiska oo ay wada shaqayn weyn leeyihiin, kaasi oo tilmaamay in ay Somaliland danaynayso cid kasta oo wada shaqayn la rabta in ay soo dhawaynayso waxaana hadaladiisa ka mid ahaa, ‘’Waxaanu dalka ku soo dhawaynay Xoghayaha Difaaca Dawladda Ingriiska Mr Gavin Williamson, oo aanu wada shaqayn leenahay, ka wasaarad ahaan waanu soo dhawaynaynaa cid kasta oo wada shaqayn diyaar u ah, Somaliland higsigeedu waa qaran horumara oo la talaabsada wadamada Caalamka’’.

Imaatinka Xoghayaha difaaca dawlada Ingriiska (UK) Gavin Williamson ayaa ku soo beegmaya xilli wasaarada gaashaandhigu ay horumar iyo dedaalo ay ku doonayso in ay kor ugu qaado dhanka xidhiidhka iyo wada shaqaynta dawladaha dibedda uu yimi taas oo doonaysa in ay kor u qaado dhanka Ammaanka guud ee mandaqada, hannaanka xaqsiinta ciidamada ayaa la filayaa in uu wax weyn ka qaban doono Xoghayaha difaaca ee dawlada Ingriisku.

Xoghayaha difaaca dawladda Ingriiska oo ah masuul meeqaam sare ku leh dawlada Ingriiska ayaa safarkan uu dalka Somaliland ku yimid waxa uu noqonayaa mid kor u qaadaya meeqaamka qaranimada Somaliland.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply