Wasiirro iyo Xildhibaan Bidhi oo lagu Abaal-mariya Somaliland International Awerd

0
820

Hargeysa (Dawan)- Madal ay soo qabanbiyeen Jimciyada Somaliland International Awerd ayaa lagu maamuusay lix iyo afartan qof oo ay u aqoonsadeen in ay yihiin dadkii ugu dadaalka badnaa sannadkii tegay ee 2018.

Xubno iskugu jira Xukuumadda, Xisbiyada iyo qaybaha shacabka ayaa loo cumaamaday inay yihiin xubnaha ugu waxqabadkii badnaa sannadkii 2018 kuwaasi oo lagu qiimeeyey sida wax ugu qabteen qaranka .

Wasiirka Wasaaradda horumarinta beeraha Somaliland , Axmed Muumiin Seed oo kaalinta kowaad kaga jiray liiska xubnaha Wasiirada ee ugu dadaalka badnaa ayaa la sheegay inuu qayb weyn ka qaatay dadaalka ay xukuumaddu ugu jirto sidii ay bulshada Somaliland u heli lahayd cunta ku filan oo dalkooda kasoo go’da

Wasiirada Wasaaaradda horumarinta biyaha iyo Caafimaadka Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore iyo Dr xasan Ismaaciil Yuusuf ayey jimciyaddan ku maamustay dadaalka ay ugu jiraan horumarinta Caafimaadka iyo sidii deegaanada Somaliland ay u heli lahayeen biyo macaan oo ku filan , waxaanay ugu baaqeen in ay halkaa kasii wadaa shaqada ay qaranka u hayaan.

Dr Adna Aadan Ismaaciil ayey Jimciyadda u aqoonsatay Halbeega Somaliland waxanay ku maamuseen dadaalka ay ugu jirto sidii ay u iib gayn lahayn qaddiyada iyo qaranimada Somaliland , Xildhibaan Mubaarig Yuusuf Bidhi ayaa dhallinyaradan sheegeen inay qayb ka qaatan qurxinta magaalada Burco iyo dadaal joogto ah uu u sameeyey deegaanadii laga soo doortay .

Madashaa ayaa waxa sida oo kale lagu maamuusay xoghayaha Cadaaladda ee Xisbiga Waddani Barkhad Baatuun oo ay sheegeen in uu olole nadaafadeeed ka fuliye degmada uu magaalada ka degan yahay . Taliyaha Ciidanka Dab-demiska Sareeye Guuto Axmed Maxamed Xasan ayaa Maanta la Gudoonsiiyay Shahaado Sharaf, waxaana Taliyaha shahaadadaas u Gudoomay Taliye Xigeenka Ciidanka Dab-demiska.

Isku soo wada duubo madashan ayaa lagu maamuusay 46 lix qof oo isugu jra qaybaha kala duwan ee ummadda Somaliland wxaana la guddoonsiyey Shahaadooyin ayaa loogu magac daray Guuleystayaasha Qaranka Somaliland 2018.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply