Hay’adda Shaqaalaha oo Magac Bedel u Samaysay 248 Shaqaale ah

0
920

Hargeysa (Dawan)- Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ayaa magac bedel u samaysay 248 Shaqaale oo ka tirsan Shaqaalaha Derejada “D” iyaga oo magacagii “Shaqaale Hoosaad-na” loogu bedelay “Shaqaale Hawleed”

Guddoomiyaha ha’yadda shaqaalaha dawladda somaliland Sharmaake Axmed Muxumed Geelle ayaa sheegay in ay laba boqol iyo sideed iyo afartan shaqaale oo ka tirsan darajada “D” ay u sameeyeen Magac bedel aanay helin in muddo ah “Kadib markii ay hay’adda shaqaalaha dawladda u cadaatay in tiro badan oo kamid ah shaqaalaha derejada D “Shaqaale Hoosaadka” ka hawl-gala xarumaha kala duwan ee Dawladdu ay ku shaqayn jireen magac aanay lahayn kuwaas oo mudo badan aan heli jirin magac bedel iyo caawin midna , Si taas xal looga gaadho, kulamo badan oo arintaa laga yeeshay kadib guddida hay’adda shaqaalaha dawladdu iyaga oo la fulinayo Amarka Madaxweynaha JSL ee tixraacaya go’aamadii kasoo baxay kalfadhigii 22-aad ee golaha wasiirada kaasi oo faraya in magac bedel loo sameeyo shaqaale hoosaadka derejada D halkaas oo kuwa imika shaqada haya loo sameeyo magac bedel isla markaana loogu bedelo magacaydii la waayey”

Guddoomiye Geelle oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi” Tallaabadan magac bedelka loogu samaynayo 248-ka Shaqaale ayaa qayb ka ah ujeedooyinkii laga lahaa tiro-koobkii shaqaalaha dawladda isaga oo hawl-qabadkani caawiyey shaqaale u badan hooyooyin sannado badan aan magac bedel loo samayn iyaga oo ku shaqayn jiray magac aanay lahayn halkaas oo shaqo badnaanta ay u wehelin jirtay werwer”

“markii ay soo dhammaatay saxar-tirka diiwaanka mushahar bixinta isla markaana laga sifeeyey magac-dii aan jirin ama aan joogin iyada oo meel-na lagu hubsaday inta jiifta ama sabab macquul ah ku maqan ayaa waxaa socda buuxinta kaalmihii shaqo ee soo bannaanaday shaqaalaha ku shaqeeya derejada D oo ah shaqaalaha ugu hawsha badan isla markaana mudan ixtiraam badan ayaa Guddida Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu magacii horay loogu yaqaanay oo ah “Shaqaale Hoosaad” si rasmi ah ugu bedeshay “Shaqaale Hawleed” iyada oo la dhawrayo niyada shaqaalahan sharafta badan”.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply