“Dal Kastaa Wuxuu Horumar Gaadhaa Marka Uu Iskaga Filnaado Cuntada”

0
776

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka wasaaradda horumarinta Beeraha Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Axmed Muumin Seed ayaa sheegay in Somaliland ay dedaal ugu jirto sidii ay iskaga filnaan lahayd wax soo saarka dhinaca cuntada iyo biyaha taasi oo ay dadaal weyn ugu jirto Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Wasiir Axmed Muumin Seed oo ka hadlaayey furtitaanka Shir Lagu Qiimaynayo Wax Soo-saarka Dalka ee Sanadkii hore ayaa tilmaamay inay lagama maarmaan tahay in dal kastaa la soo baxo Cuntdiisa, si looga baxo ku tiirsanaanta cuntada Dibedda.

“Somaliland mar kasta way soo dhawaynaysaa cid kasta oo ka shaqaynaysa wax soo-saarka. Dalkastaa wuxuu horumar gaadhaa marka uu iskaga filnaado cuntada, weliba uu isticmaalo waxa uu la soo baxo. Markaa Qorshaha Somaliland waa in tobanka sanno ee soo socda ay iskaga filnaato Cuntada iyo biyaha, taas oo Xukuumadda maanta jirtaa xoogga saartay sidii ay u horumarin lahayd dadkana u jihayn lahayd sidii wax soo saarka loo xoojin lahaa” ayuu yidhi wasiirka wasaaradda horumarinta Somaliland Axmed Muumin Seed.

Wasiirku Wuxuu ka hadlay xaaladda guud ee sannadkan xagga wax soo saarka beeraha, wuxuuna sheegay in ka dib Markii wasaaradda horumarinta Beerahu samaysay wacyi-gelin faro badan ay dad badan ku dhiiradeen qodaalka iyo ka qayb-qaadashada wax soo-saarka, taas oo keentay in qodaalku kordho, inkasta oo uu xusay inay jireen caqabado saamayn ku yeeshay wax soo-saarka beeruhu in uu halkii loo baahnaa gaadho, waxaanu xusay in cabaqadaha yimid ay ka mid yihiin Xasharaadka waxyeeleeya wax soo-saarka, Shimbirta cunta Dalagyadu markay soo baxaan, Diirta loo yaqaano ‘Dhuun-qabadka’ oo sannadkii hore aad u badnayd iyo Roobka oo uu tilmaamay inuu yaraaday xilligii Beeralaydu u baahnaayeen.

Mudane Seed Waxa kale oo uu sheegay in Wasaaraddu kor u qaaddo Wax soo-saarka qodaalka ee Banka Wajaale, Deegaannada Beer iyo Xaaxi, waxaanu tilmaamay in Raashin Wanaagsan ay ka soo go’een Wajaale, kuwaasi oo noqon doono Kaydka Qaranka.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply