UCID iyo Kulmiye oo Heshiis Wada Jir ah ka Gaadhay Doorashooyinka

0
852

Hargeysa (Dawan)- Xisbiyada Kulmiye iyo UCID ayaa sheegay in ay isku afgarateen in doorashada Baarlamaanka iyo Goleyaasha deegaanka la qabto bisha November ee sannadkan 2019.

War-saxaafadeed ka kooban shan qodob oo si wada jir ah ay u soo sareen labada Xisbi ee UCID iyo Kulmiye oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Wargeyska Dawan, ayaa u qornaa sidan:-

“1: Xisbiyada UCID iyo Kulmiye waxay isku afgarteen in doorashada golayaasha deegaanka iyo wakiilada ay qabsoonto bisha Novermber ee sannadkan 2019.

2: Xisbiyada UCID iyo Kulmiye waxa ay isku afgarteen in koomishanka doorashooyinka ee hadda jiraa uu qabto doorashooyinka, maadaama aanay jirin qodobo sharci oo loo kala diro.

3: Xisbiyada UCID iyo Kulmiye waxay isku wafaqeen in wax ka bedel lagu sameeyo xeer l/2o qodobkiisa 11 aad farqadiisa kowaad , koomishanka doorashooyinka cusubna laga dhigo sagaal xubnood

4: Xisbiyada UCID iyo kulmiye waxay isku afgarteen in aanay aqbalin dib u dhac danbe oo ku yimaada doorashooyinka golayaasha wakiilada iyo deegaanka, siddaa darteedna aanay doorashooyinku u hakan doonin haddii xisbiga Waddani uu ku adkaysto go’aankiisa uu ku qaadacay koomishanka, waxaanay labada xisbi diyaar u yihiin in ay galaan doorasho laba xisbi ah sannadka 2019.

5: Xisbiyadu waxay isku waafaqeen in ay meel uga soo wada jeestaan ilaalinta sharafta iyo Sumcada ay Somaliland ku kasbatay doorashooyinka dimuqraadiga ah.

Ugu danbayn Xisbiyada Kulmiye iyo UCID waxay u soo jeedinayaan golaha guurtida Jamhuuriyadda Somaliland in ay tixgeliyaan heshiiskan islamarkaana ay muddo kordhinta farsamo ee ay samaynayaan ku saleeyaan heshiis-kan.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply