Madaxweynaha Somaliland oo ka Hadlay Shaqsiyadda Xildhibaan Ka Baxay Guurtida

0
663

Hargeysa (Dawan):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay shaqsiyadda Xildhibaan ka baxay golaha guurtida Somaliland oo shalay ku geeriyooday magaalada Hargeysa.

Madaxweynaha ayaa ku sifeeyay Marxuum xildhibaan Xaashi Cabdi Shiil, tiir dhexaad ka baxay qaranka Somaliland oo ka mid ahaa hal doorkii lagu aasaasay golaha guurtida Somaliland isla markaana wakhtigiisa u soo huray dib heshiisiintii beelaha nabadayntii iyo dib u dhiskii qaranka Somaliland.

War-saxaafadeed ka soo baxay qasriga Madaxtooyada Somaliland oo uu madaxweynaha qaranku kaga hadlay geerida Marxuum xildhibaan Xaashi Cabdi Shiil (maayakharij), ayaa u dhignaa sidan. “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isaga oo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa Golayaasha guurtida, wakiilada, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum xildhibaan Xaashi Cabdi Shiil (Maayakharij) oo ku geeriyooday shalay oo ay taariikhdu ahayd 13/01/2019, Magaalada Hargeysa. Waxaanu Madaxweynuhu si gaara uga tacsiyadaynayaa geeridaasi Marxuumka, wasiir ku xigeenkii hore ee Maaliyada Axmed Xaashi Cabdi oo uu aabbihii ahaa.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey tiir ka mida tiirarkii lagu aas-aasay golaha guurtida Somaliland, door muhiimana ka soo qaatay nabadayntii, dib-u-dhiskii dalka iyo halgamadii kala danbeeyey ee loo soo maray dalka.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo Golayaasha guurtida, wakiilada, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply