Hurdada Waqtiga Yar La Seexdo Habeenkii Oo Keenta Caafimaad Daro Badan.

0
1701

Saynisyahano u dhashay wadamada Maraykanka iyo Isbayn  ayaa daraasad ay wadeen muddooyinkii ugu dambeeyey oo ay ku samaynayeen waqtiga ugu wanaagsan ee Hurdada habeenkii la seexan karo iyo khatarta ay lee dahay hurdada waqtiga la seexda soo bandhigay natiijadeedii .

Khubaradan ayaa sheegay in ay ogaadeen  hurdada ka yar Lixda saacadood  in ay keento khatar badan oo dhinaca caafimaadka ah , taas oo horseeda xanuuno khatar ah oo ay kamid yihiin Wadne Xanuun, Dhiig yaraan  iyo sidoo kalena dhiig Kar , sida lagu daabacay  website-ka EurekAlert oo uu qormadan  wargeyska Dawan kazoo xigtay.

Khubarradan ayaa sheegay in ay dadka seexda saacaddaha ka yar 7 ilaa 8 saacadood habeenkii ay ka khatar badan yihiin kuwa seexda saacaddaha dhamayska tiran , waxaana intii daraasadani socotay tijaabo lagu sameeyey dad u dhashay dalka Spain oo gaadhaayay 3,974 oo qof , kuwaas oo isugu jiray dad xili caadiya seexda saacaddo dhamaystiran iyo kuwo hurdadu ku yar tahay .

Dadkan hurdadu ku yar tahay ee lagu sameeyey tijaabada ayaa intooda badan laga helay xanuunada Dhiig Karka iyo Wadne Xanuunka , iyaga oo sheegay in aanay hore u lahaan jirin  ka hor intii aanay hurdadoodu yaraan, waxaana xanuunadaasi laga helay 34% kamid ah dadkaasi tijaabada maraayey.

Sidoo kale kooxdan Khubarrada ah ayaa sheegtay in  hurdada ka badan 8 saacadood lafteedu ay tahay mid keentay xanuuno kuwan lamid ah , iyada oo ay diiqad dareeman dadka hurdada ka badan 8 saacadood seexda.

Leave a Reply