Madaxweyne Ku Xigeen Caan Ka Ahaa Qaarada Afrika Oo Goor Dhoweyd Geeryooday .

0
1006

Johannesburg (Dawan) madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka Zambia  Luanda Mwabi ayaa goor dhoweyd Geeryooday kadib markii uu in muddo ah xanuunsanaayey .

Madaxweynaha dalka Zambia ayaa boggiisa Twitter-ka ku sheegay in madaxweyne ku xigeenkii hore eedalkaasi  uu ku geeryooday wadanka Koonfur Afrika , halkaas oo lagu daweynaayey muddooyinkii ugu dambeeyey.

Madaxweyne ku xigeenkan ayaa xafiiska  la wareegay sannadkii 2004-tii , isaga oo xilkaasi ka degay sannadkii 2006-dii.

Xafiiska madaxtooyadda dalka Zambiya ayaa ku dhawaaqay maalmo baroordiiq ah iyo aas qaran oo loo diyaarinaayo madaxweyne ku xigeenkaasi hore ee dalka  Zambia , kaas oo xilkaasi hayey waqtigii uu madaxweynaha ahaa  madaxweyne Levy Mwanawasa.

 

 

Leave a Reply