Dalka Kuba Oo Ay Ku Dhufatay Dufaan Sababtay Khasaare Nafeed.

0
1263

Inta ilaa hadda la og yahay 4 qof ayaa ku dhintay  tiro kale oo 200 gaadhaysaana way ku dhaawacantay kadib markii ay dufaan xoogani ku dhufatay caasimada dalka Kuba ee Havana .

Dhimashada iyo dhaawaca dadkan ayay sababeen saqafka sare ee guryaha oo kusoo dumay dadkaasi , iyada oo sidoo kalena ay gaadhi badani dhacday kadib markii ay go’een wadooyinkii ay marayeen.

Dufaantan ayaa ah mid aad u awood badan ,taas oo noqonaysa markii ugu horeysay ee ay dufaantan oo kale ku dhufato wadanka Kuuba  muddo dheer oo 80 sanno ah kadib  sida uu sheegay Mr Joosee  Rubiyeera oo ah madaxa Sadaasha hawada ee dalka Kuuba .

Dufaantan oo wadata dabaylo xoogan ayaa jaraysa saacadiiba 11.5 km masaafo dhan , iyada oo muddo ka yar 16 Miridh  ku dumisay guryo badan oo ku yaala magaaladda Caasimadda ah ee Hafaana.

Waxa gebi ahaanba dhulka taabtay dhirtii ku taaley caasimada Hafaana , sidoo kalena birihii laydhka ayaa iyaguna daatay, iyada oo ay meelaha qaarkood ka tagtay Korontadii , lana waayey biyo la cabo , waxaana digniino laga sii daynayaa warbaahinta degaanka , iyada oo dadka loogu baaqaayo in ay ka fogaadaan dhulka Buuroleyda ah iyo meelaha taagaga ah .

 

Leave a Reply