Dawladda Dalka Isbayn Oo Soo Dhoweysay Doorashada Madaxweynaha Cusub Ee Dalka Koongo.

0
1065

Dawlada dalka Isbayn ayaa soo dhoweysay doorashada madaxweynaha cusub ee dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo  Felix Chissi Kedi  oo noqday madaxweynihii ugu horeeyey ee hab nabadgelyo ah xilka madaxtinimo ula wareega taariikhda dalkaasi.

Warsaxaafadeed ay soo saartay dawlada Isbayn ayaa lagu sheegay in ay soo dhoweynayaan doorashada, ayna ugu baaqayaan ururka Midawga Afrika in ay madaxweynaha cusub kala shaqeeyaan sidii loo gaadhi lahaa Dimuqraadiyad iyo nabadgelyo buuxda oo dalkaasi Koongo ka hirgasha.

Waxa kale oo ay dawlada Isbayn ugu baaqday xisbiyadda siyaasadda iyo ururadda aan dawliga ahayn ee dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo in ay kala shaqeeyaan madaxweynaha cusub sidii uu u gudan lahaa shaqadiisa .

Leave a Reply