Wafti Ka Socda Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Safar Shaqo Ku Joogan UK

0
656

London (Dawan)- Wafti ballaadhan oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana ay wehelinayaan madaxda saree e Machadka Shaqaalaha dawladda ayaa safar shaqo ku tagay dalka Ingiriiska, halkaasi oo ay kulamo kala qaateen qaar ka mid ah jaamacadaha dalkaasi.

Ujeedada Socdaalka weftiga guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda Somaliland iyo Mahcdadka shaqaalaha ayaa ah sidii ay xidhiidh dhaw oo wada shaqayneed ula samayn lahaayeen jaamacadaha iyo xarumaha tababarrada ee dalkan Ingiriiska.

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Sharmarke Axmed Muxumed Geelle ayaa ka warbixiyey ujeedka ay UK u tageen, waxaanu yidhi “Ujeedada Safarkan ayaa ah sidii aan xidhiidh dhaw u la soo samayn lahayn Jaamacadaha iyo xarumaha tababar ee dalkan UK iyada oo aan beegsanayno dhinacyada; barashada English-ka iyo Cilmi baadhista dhanka kalena Machadka Shaqaalaha Dawladda waxa aan u soo samayn doonnaa Jaamacad ka caawisa maktabad Online ah “E-library” si shaqaalaha Dawladdu u heli karaan Buuggaag ay online ku daalacdaan.

Socdaalkan ayaa imanaya kadib markii Machadka Shaqaalaha Dawladda laga dhisay dhinaca qalabka imikana ay u baahan yihiin xidhiidho ka caawiya dhinacayada ay baahida u qabaan.”

Guddoomiye Sharmaake waxa uu intaasi raaciyay “Maalmaha soo socda ayaan kulamo kuur-gal ah la yeelan doonnaa Jaamacadaha dalkan UK iyo sida oo kale xarumaha Tababar si loo helo xarunta Waxbarasho ee ugu tayada badan haddii Alle Idmo.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply