Dhakhaatiir ka Socota Wasaaradda Xannaanada Xoolaha oo Tallaalka Adhiga ka Bilaabay Deegaannada Degmadda Sheekh

0
820

Hargeysa (Dawan:- Hawl wadeenno ka  tirsan  wasaaradda xanaanadda xoolaha ee degmadda Sheekh ayaa tallaal caafimaadka  xoolaha ah ka wada deegaanka Dubur.

Isuduwaha  wasaaradda xanaanada xoolaha iyo Kalluumeysiga  gobolka Saaxil mudane Maxamuud Axmed Calanle ayaa sheegay in xanuunadda ay xoolaha ka talaalayaan ay yihiin laba nooc oo kala ah Sunsun, iyo Furuq, kuwaasi oo uu tilmaamay inay ku dhacaan Idaha iyo Riyaha.

Waxaanu intaa ku daray in degmada Sheekh iyo deegaanadda hoos yimaada ay xoola tiro badan u sameyn doonaan talaal.

Maxamuud Axmed Calanle gudoomiyaha agaasimaha xanaanadda xoolaha ee degmadda Sheekh ayaa faahfaahin ka bixiyay noocayadda talaalka ay ka bilaabeen degmadda Sheekh iyo deegaanada hoos yimaada waxaau yidhi

Isuduwaha oo faah faahin ka bixinayay tallaalka ay wadaan ayaa yidhi. “Anaga oo ah kooxda koobaad ee Saaxil 01, kuwaasi oo ay wasaaradda xanaanadda xoolaha Somaliland u soo dirtay degmadda Sheekh, waxaanu degmaddan iyo deegaanadda hoos yimaada aanu ku daaweynaynaa xoola tiro badan”

Waxaanu intaa ku daray isagoo hadalkiisa sii wata “Xoolaha aynu heysana waa lafdhabarta koobaad ee dalka, xoolaha aanu tallaalneyna waxaa aanu ka daaweynaynaa laba xannuun, Susunka iyo Furuqa, oo idaha iyo riyaha ah, inta badana waxaanu ku hawlanahay kor u qaadista xaaladda caafimaad ee xoolaha, bulshada xoolo dhaqatadduna si wanaagsan ayay noola shaqeynayaan dadkuna waa qaar si fiican uga faa’ideysanaya hawshan tallaalka ee ay wado wasaaradda xanaanada xooluhu”

“Deegaankan aanu joogno waxaa la yidhaaha Dubuur, talaalka aanu wadnaana waa laba oo kala ah, PPR, ama (Sunsun) iyo Sheep and Goat Box (Furuqa) waxaana naga go’an bulshada in si wanaagsan aanu ugu adeegno” Ayay tidhi Dr. Sihaam Maxamed Xaaji Yuusuf oo ka   mid ah dhakhaatiirtii xoolaha tallaaleysay.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply