Saddex iyo Toban-sano Kadib Dib-u-dhis lagu Sameynayo Garoonka Diyaaraha Ceerigaabo

0
470

Ceerigaabo (Dawan):- Garoonka diyaaraha ee degmadda Ceerigaabo oo dayactir la’aan u xidhnaa mudo ku dhaw 13-sano ayay hada ku hawlan tahay sidii dib loogu furilahaa dawladda hoose ee degmadda Ceerigaabo.

Aadan Yuusuf Muuse isuduwaha wasaaradda duulista iyo hawada ee gobolka Sanaag ayaa sheegay in dhismaha garoonka degmadda Ceerigaabo uu hada meel wanaagsan   marayo.

Sidoo kale maayerka dawladda hoose ee degmadda Ceerigaabo  Ismaaciil Xaaji Nuur   oo isna warbaahinta kula hadlay gudaha garoonka diyaaraha ee Ceerigaabo ayaa xusay in ay madaxweynaha qaranka Somaliland ay kala hadleen wixii qabyo ka noqda dayactirka iyo dhismaha lagu sameynayo garoonkaasi inuu ka taageero.

Dhanka kale xughayaha dawladda hoose ee degmadda Ceerigaabo ayaa isna bulshadda ugu baaqay inay ka soo qayb qaataan dib u dhiska garoonka diyaaraduhu ay ka haadaan ee degmadda Ceerigaabo oo hada gacanta lagu hayo.

isuduwaha wasaaradda duulista iyo hawada ee gobolka Sanaag  Aadan Yuusuf Muuse ayaa faahfaahin ka bixiyay halka ay mareyso hawsha dib u dhiska garoonka diyaaraha ee degmadda Ceerigaabo waxaanu yidhi “Waad aragtan dawladda hoose si wanaagsan ayay wax u waddaa, imika hawsha garoonku si wanaagsan ayay u socota, oo qalabkii waa la wada keenay, intii badneyd way qabsoontay inta hadhayna waxaa lagu hanweynyahay in la dhiso, sidaasi ay xilka weyn isaga saartay dawladda hoose ee degmadda Ceerigaabo in garoonkii diyaaraduhu ka haadayeen ee magaaladda Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag inuu shaqeeyo, hadii markii hore la lahaa xaalada garoonka oo aan wanaagsaneyn ayaaney diyaaraduhu uga soo degi karin maantaba waad aragtaan”

Maayerka degmada Ceerigaabo  ayaa isnaka hadlay dib u dhiska garoonka  oo uu  sheegay in ay madaxweynaha qaranka kala hadleen inuu ka caawiyo wixii dhaqaale ah ee ka dhinma dayactirka garoonka diyaaraduhu ka hadaan ee degmo Ceerigaabo waxaanu yidhi   “Waxaanu joogna garoonkii diyaaradaha ee degmadda Ceerigaabo, oo dhab ahaantii muddo badan xidhnaa, waxaanu rejaynaynaa inuu si degdeg ah u furmo, hawshiina hadda ayaanu gacanta ku heynaa, baahiyihii ugu waaweynaa ee uu qabayna waanu keenay, garoonkani hawl badan ayuu u baahan yahay, haddii aanu la kulaney madaxweynaha qaranka Somaliland hawsha garoonkani waanu uga waraney, waanu u sheegney,baahida garoonka waanu ka wada hadalney, waxaanu rejaynaynaa inuu baahidda naga dabooli doono, waxaananu ku rejo weynahay inuu wax badan nagala qaban doono Insha Allah, anagana dedaalkayagii meel wanaagsan ayuu noo marayaa, bulshadana waxaanu leenahay garoonkii weynu u guntaney, hawshiisiina waynu ku jirnaa, qayb ahaani way fushay, garoonku waxaa uu u baahan yahay in la xidho, waxaa uu u baahan yahay, xafiisyadii dawladda in la dhiso, hawl badan ayuu u baahan yahay ee waxanu rejanaynaa wixii naga cuslaada ee aanu u taag weyno in uu madaxweynaha qaranku noo fulin doono”

Siciid Cumar Maxamed xughayaha dawladda hoose ee degmadda Ceerigaabo ayaa bulshaweynta gobolka Sanaag ugu baaqay in ay ka soo qayb qaataan dib u dhiska lagu wado garoonka diyaaradaha ee degmadda Ceerigaabo waxaanu yidhi “Waxaanu halkan ka wadnaa oo muddooyinkii u dambeeyayna soconayay, hawlo shaqo oo laga wado garoonka degmadda Ceerigaabo, oo muddo 13-sanadood ah dayacnaa hawlo badanna u baahnaa, waxaana leysu xilqaamey oo leysu taagey in hawshii garoonka sideedii lagu soo celiyo, shaqadiisiina hadda gacanta ayaaba lagu hayaa oo wey socotaa, meel wanaagsanna waa ay noo mareysaa, inta la gabagabeynayo inta ugu danbeysana waxaanu doonaynaa in la wado, garoonkani waa ishi dhaqaale ee ay magaaladu laheyd, isu socodkii dadka oo uu fududeynayo, kor u qaadistii dhanka kaabayaasha dhaqaale ee gobolka iyo degmadda oo uu kaalin weyn ka qaadaneyo, sidoo kale waa laf dhabartii ka faa’ideysaneysay bulshaweynta reer Ceerigaabo, markaa bulshada waxaanu ugu baaqayna inay qayb ka qaataan, dhismaha dayrka loo sameyn doono garoonka, hadda Ran waygii garoonka annaga ayaa gacanta ku heyna, anaga ka degmo ahaana ma jiro cid hadda ka hor isku dayday inay fadhiga uga kacdo sidii dib loogu furilahaa garoonkani”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply