Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta oo Kala Hufaysa Cilaajyada Dalka

0
461

Hargeysa (Dawan)- Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland, ayaa bilaabaysa hawl gal Imtixaan lagaga qaadayo dhammaan cilaajyada dalka ka hawlgala ee dadka lagu dabiibo, iyadoo wajiga koobaad laga bilaabayo caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Imtixaanka laga qaadayo culimada ka hawl gala Cilaajyada ee ka shaqaysta ayay ujeedadiisu tahay si loo hubiyo goobaha aqoon diineed ahaan iyo tayo ahaanba ku habboon in dad lagu dabiibo iyo kuwa aan u qalmin.

Masuuliyiinta wasaaradda oo dhawaanahan ku mashquulsanaa dardar-gelinta hawlaha shaqo ee wasaaradda iyo horumarinta adeegyada diineed ee ay Somaliland u hayaan, ayaa dhawaan bilaabaya in imtixaan laga qaado Wadaaddada ka hawlgala goobaha dabiibka diiniga ah ee Cilaajyada, kuwaas oo la hubin doono aqoontooda diimeed, si loo helo cilaajyo la sugay tayada dadka haysta.

Wasaaradda diintu imtixaanka ka dib waxay wada-jir uga wada shaqayn doonaan wasaaradda horumarinta caafimaadka tayada goobaha cilaajyada adeegyadyadooda dabiibka diiniga ku dara adeegyada caafimaad, maaddaama nolosha dad caafimaad-doon ah lagu aamminayo,

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Diinta iyo awqaafta Somaliland Sheekh Aadan Cabdillaahi Cabdalla, ayaa sheegay ujeeddada arrintan imtixaanka loo samaynayo iyo tallaabada xigi doonta, waxaanu qoraal kooban ku yidhi; “Wasaaradda Diinta iyo Awqaaftu, waxay imtixaan ka qaadi doontaa, isla markaana hubin doontaa aqoontooda Diineed wadaaddada Cilaajyada ka shaqaysta.

Arrintaas waxa lagu go’aamiyey shir ay Masuuliyiinta wasaaraddu maanta (shalay) u qabatay madaxda cilaajyada magaalada Hargeysa. Sidoo kale, marka aannu hubinno aqoontooda Diineed waxaannu wasaaradda horumarinta caafimaadka kala shaqayn doonnaa xal u helidda arrimaha caafimaadka khuseeya ee cilaajyadu qabtaan.” Sidaa ayuu yidhi agaasimaha guud ee wasaaradda Diintu.

Kulanka go’aankaas la iskula qaatay, ayaa daba-socday kulammo hore oo madaxda wasaaradda Diinta iyo awqaafta Somaliland la yeesheen qaar ka tirsan culimada madaxda ka ah cilaajyada Hargeysa oo sidan oo kale arrintan lagaga wada hadlay, waxaana cilaajyada oo marba marka ka dambaysa sii badanaya la aqoonsan doonaa inta shuruudaha xukuumaddu uga baahantay buuxiya.

Tallaabada imtixaanka lagaga qaadayo cilaajyada, waxa ka horreeyey oo ay wasaaraddu bilawday 24-ka bishii koowaad ee sannadkan 2019-ka diiwaangelinta maddarasadaha Qur’aanka kariimka ah lagu barto iyo jimciyadaha ay ku midoobeen maddarasadaha qaarkood.

Diiwaangelintaas oo aad loo soo dhaweeyey, ayaa noqotay markii koowaad ee intii ay Somaliland jirtay wasaaraddu ku dhiirrato ama fuliso, iyada oo hadda la diiwaangeliyey illaa saddex boqol oo maddarasadood oo Hargeysa ku yaalla, welina ay socoto diiwaangelinta, oo wejiga labaadna u gudbi doonta gobollada iyo degmooyinka kale ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland. Imtixaanka ay wasaaraddu ka qaadayso wadaaddada cilaajyada, ayaa iyaduna ah mid muhiimaddeeda leh.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply