Biyo Yaraan Soo Foodsaartay Barakacayaasha Goboladda Bariga

0
737

Hargeysa (Dawan)- Guddoomiyaha ha’yadda qaxoontiga iyo barakacayaasha Somaliland Cabdikariim Axmed Maxamed (Xinif) ayaa sheegay in dad ka badan toban kun oo qoys oo ku jira kamaamka barakacaayasha ee gobolada bariga Somaliland ay soo foodsaartay biyo yaraan .

Cabdikariim Axmed Maxamed (Xinif) oo warbaahinta shalay kula hadlayey xarunta ha’yadda ayaa ku dhawaaqay qaylo dhaan la xidhiidha biyo yartaan soo foodsaartay dadka barakacayaasha ah, isaga oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Kaamamka barakacayaasha ee gobolada bari ayaa waxa maalmahan ka taagnaa biyo yaraan. Markaa waxa aanu u yeedhnay ha’yaddah caalamiga ah iyo kuwa maxliga ah, waxaana soo ajiibay oo kulankaasi ka soo qayb galay in ka badan toban ha’yaddood, waxaannu u bandhignay baaqaygii biyo dhaamiska iyo biyo la’aanta ee dadka barakacayaasha ah.:

Guddoomiyaha ha’yadda qaxoontiga iyo barakacayaasha Somaliland ayaa mid mid u dul istaagay gobolada iyo deegaanada ugu daran ee ay ku nool yihiin dadka ay soo foodsaartay biyo yaraantu, waxaana uu yidhi “Gobolada ugu dhibaatada badan ee na soo gaadhay waa gobolada Saaxil, Togdheer, Saraar, Sool iyo Sanaag. Gaar ahaan deegaanada Guumays, Fadhi-gaab, Gar-adag, Ceel-afweyn, Ulluulay, Mandheera, Wadaamo’goo, Caynaba iyo Oog. Dad ka badan toban kun oo qoys ayey biyo yaraantaasi soo wajahday “

Cabdikariim Axmed Maxamed (Xinif) ugu danabyan waxa uu sheegay in dhammaan ha’yaddaha iyo dowladdu ay diyaar u yihiin in dadka gurmad degdeg ah lala gaadho “Ha’yaddiihi waanu u bandhignay qoraalna waanu u gudbinay, waanan wada hadalnay.

Annagu ka dowlad ahaan meelaha dadku degan yihiin qaar waxa laga dhisay taangiyo biyood oo bir iyo shub iskugu jira, dhulka aan lahayn weel lagu shubo biyo waxa aanu gaynaynaa qarbadadii waaweynaa ee rabadhka ahaa oo aanu dadka u gaynayno si ay weel biyaha loogu shubo ay ugy noqoto.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply