Golaha Guurtidda oo Curinaya Xeer Dabraya Siyaasiyiinta Xilalka u Doonta Muqdisho

0
626

Hargeysa (Dawan) Xildhibaan Khadar Xuseen Sahal oo ka mid ah mudanayaasha golaha guurtidda Somaliland ayaa soo jeediyay in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaado siyaasiyiinta xilalka u doonta dawlada aan iskeed isku maamulin ee Soomaaliya, waxaanu tilmaamay in ay curinayaan xeer dabraya siyaasiyiinta xilalka u doonta Muqdisho.

Waxaa uu xusay in dawladda aan iskeed isu maamuli Karin ee Soomaaliya ay ka xun tahay in Somaliland ay horumar ku tallaabsato, waxaanu nasiibdarro ku tilmaamay dadka Muqdisho tagaya ee leh waanu u shaqo tagney.

Xildhibaan Khadar Xuseen Sahal waxaa uu sidan ka sheegay mar uu warbaahinta kula hadlayay gudaha magaalada Hargeysa.

Xildhibaan Khadar Xuseen Sahal isaga oo ugu horreyn arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Dhab ahaantii waan uga hanweynaa masuul qaranka Somaliland xil ka soo qabtay oo shalay lahaa Somaliland qaranimadeedu waa muqadas, inuu maanta yidhaaho shaqo tag ayaan aheyn.

Somaliland horumar ballaadhan oo dhan walba ah ayay hiigsaneynsaa. Waa ayaan darro inuu maanta yidhaaho waan shaqo tagay, waar halka aad u shaqo tageyso waa la garanayaa oo weynu ka war heynaa, dadka dhibaateysan ee maalin walba aynu u duceyno, inagana xaga xun uun inaga taagan oo inaynu tallaabo qaadno diidan, ragga siyaasiyiinta ah waxaan leeyahay way idinka xumaatay.”

Sidoo kale xildhibaan Khadar waxaa uu xusay in ay wadaan currinta xeer dabraya siyaasiyiinta reer Somaliland ee xilalka u doonanaya magaalada Muqdisho waxaanu yidhi “Haddii aanu nahay golayaasha baarlamaanka iyo xukuumadda taladda dalka heysaba waxaanu soo saareynaa Insha Allah, xeer qabanaya siyaasiga inta uu xil qabto isaga oo magaciisi ku jiro liiskii masuuliyiinta soo qabtay xilalka, oo maantana odhanaya anoo xilkaasi hayay ayaan iska dhiibayaa Muqdisho, xeer xamakeynaya oo waxka qabanaya ayaanu soo saareynaa”

“Somaliland maanta meel wanaagsan ayay marayaan xukuumaddan uu gadhwadeenka ka yahay madaxweyne Muuse Biixi Cabdina si wanaagsan ayay u shaqeynaysaa Allxamdulilaah, bulshadeenana waxaa looga baahan yahay inaynu isgarab taagno. Waxaynu heysanaa nabadgelyo wadama badan oo inala jaar ahi aanay heysan” ayuu yidhi xildhibaan Khadar Xuseen Sahal.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply