Gudoomiyaha Gobolka Sool oo Kormeer Shaqo Ku Tegay Degmadda Tukeraq

0
816

Tukaraq (Dawan) Guddoomiyaha gobolka Sool mudane Cabdiqani Maxamuud Jiidhe  iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa gaadhay degmadda Tukeraq ee gobolka Sool, halka guddoomiye ku xigeenka gobolka Sool Saleebaan Diiriye oo isna socdaal shaqo ku tegay deegaano ka tirsan  gobolka Sool uu joojiyay deegaamayn cusub oo la samaynayay

Guddoomiyaha iyo weftiga heer gobol ee uu hoggaaminayay waxay warbixino ka turjumaya baahiya ay qabaan dadka deegaanku uu ka dhegaystay waxgaradka degmadaTukeraq. Waxaanu  sheegay guddoomiyuhu in ujeedada socdaalkiisu ay tahay mid la xidhiidha u kuur gelidda xaaladda nololeed ee ay ku sugan yihiin bulshoweynta kala duwan ee ku nool degmadda Tukeraq iyo deegaanada hoos yimaadda.

Guddoomiyaha gobolka Sool  oo bulshaweynta ku nool degmadda Tukeraq meel faragaare ah kala hadlay ayaa uga mahad celiyay sida xasiloonida iyo nabadgeliyadu ku suntan tahay ee ay u soo dhaweeyeen isaga iyo weftigiisa waxaanu yidhi “Nabadgeliyadda, xasiloonida, horumarka, iyo wanaagga idinka muuqda si weyn ayaan idiinka mahad celinayaa, iyo sida aad noo soo dhaweyseen, annaguna  waxaanu u soconey, sidii aanu xog ogaal ugu noqon laheyn xaaladda degmadda Tukeraq, ujeedadayada koobaad waxaay tahay in aanu ogaano xaalada ay ku sugan yihiin bulshaweynta reer Tukeraqeed”

Mid ka mid ah waxgaradka degmada oo ku hadlayay afka dadweynaha degmada Tukeraq, ayaa guddoomiyaha ka codsaday in wax laga qabto baahiyaha aasaasiga ah ee ka jira degmada oo ay ka mid yihiin macalimiinta dugsiga sare ee degmada oo uu sheegay in aanay gunno qaadan iyo in loo sameeyo kawaanka gawraca xoolaha oo aanay degmadu lahayn iyo in wax laga qabto qashinka magaalada oo uu sheegay in uu meel halis ah ku marayo. “Guddoomiye waxaanu u baahanahay waxqabad dhan walba ah, sida dugsiga sare macalimiintiisu wax guno ah ma laha, kawaankii xoolaha lagu qalayay ma lihin, waxaa ka mid ah gudaafaddii oo imika meel halisa nagu gaadhay”

Dhinaca kale  guddoomiye ku xigeenka gobolka Sool Saleebaan Diiriye oo safar shaqo ku tegey degaanka  Dhayo-xays-gurub ayaa joojiyay deegaameyn cusub oo halkaa laga yagleelayay.

Guddoomiye ku xigeenka oo ka hadlayay deegaamaynta ay joojiyeen,ayaa yidhi “ILLAAHAY mahadi weeyaan awaamiirtii dawladda ka soo baxay waad qaadateen, hadeerna ballanqaad ayaad sameyseen, waxaanu dooneynaa in ciidamada hadda goobta idinla jooga aad si wanaagsan ula shaqeysaan, oo idinka iyo ciidamadu aad ka wada shaqeysaan amniga iyo sugista nabadgeliyadda, la shaqeeya, ku shaqeysta soo dhaweeya, deegaameyntan cusubna xukuumaddu waxay ka soo saartay amar ah in la joojiyo , wixii la sameeyayna bartaa ay marayaan in lagu hakiyo, wax dambena in aan laga fulin”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply