Gudida Wanaag Farista oo Ammaan u Jeediyay Xukuumadda Somaliland

0
594

Hargeysa (Dawan) Gudxoomiyaha guud ee gudida wanaag farista iyo xumaan reebista ee Jamhuuriyadda Somaliland Sheekh Muuse Jaamac Cabdi ayaa xukuumadda taladda dalka heysa ku ammaaney wakhtiga ay u sameysay soo jeedkii dheeraa ee bulshaddu ku qaadan jirtay Hoteelada.

Sidoo kale guddoomiyuhu waxa uu ka digey baneysiga waxyaabaha ay macsidu ka dhalan karto iyo cadhada Illaahey. Waxaaney gudiddani sidan ka sheegeen shir jaraa’id oo ay ku qabteen xafiiskooda magaalada Hargeysa.

Guddoomiyaha guud ee gudida wanaag farista Sheekh Muuse Jaamac Cabdi isaga oo ugu horeyn arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Macsiyada oo la banneysto waa waxyaabaha wax dumiya, waxa wax badbaadiyaana waa Illaahey oo laga cabsado oo la raaligeliyo, markaa guud ahaan waxaanu leenahay nimcaada maanta aynu heysano, aynu ku mahadnaqno, dawlad iyo shacaba, si Illaahay inoogu siyaadiyo, waxyaabaha inaga duminaya ee macsiyadda iyo xumaanta ahna aynu iska ilaalino, dawladdana aad iyo aad ayaanu uga mahadnaqeynaa inay markaasi ka dadaashay, dhalinyaradana in badan la talisay, wakhti wanaagsanna u sameysay soojeedkii iyo wakhtigii dheeraa.”

Guddoomiyaha gudida wanaag farista ee gobolka Maroodijeex Sheekh Ismaaciil Iid Cabdiraxmaan ayaa waalidiinta ugu baaqay inay ubadkooda barbarin wanaagsan u sameeyaan waxaanu yidhi “Bulshada waxa aanu ugu baaqeynaa in arrimahaasi aynu iska kaashano, shicib iyo dawladba ciidamada amniga iyo xukuumaddana si buuxda oo miisaanle aynu ula shaqeyno, wixii aynu garan weynana aynu la socod siino, waalidkana waxaanu sigaara ugu dardaareynaa awlaada oo mustaqbalkii dadka iyo diita iyo dalkaba ah, in barbarin wanaagsan loo sameeyo”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply