Ha’yadda Shaqaalaha oo Tababar U Qabatay Hawl-wadeeno Aan Hore Loo Tabobarin

0
567

Hargeysa (Dawan)- Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland, ayaa tababar aqooneed loo qabtay Shaqaalaha Nadiifiyayaasha ah ee Xafiisyadda Dawladda Somaliland ka hawlgala kuwaasi oo aqoon korodhsi loo sameeyey.

Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda shaqaalaha Somaliland Cabdikariin Maxamed, ayaa Magaaladda Hargeysa ugu furay Tababar aqooneed la siinaayo qaar ka mida shaqaale hawleedka Xafiisyadda Dawladda kuwaasi oo la bari doono aqoon korodhsi la xidhiidha shaqadooda, tababarkaasi oo ay bixin doonaan barayaal khibrad sare u leh arrintan.

Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda shaqaalaha Somaliland Cabdikariin Maxamed ayaa sharraxay ujeedada kulan aqooneedkan waxaanu yidhi “Shaqaalaha ka hawl-gala bilicda iyo nadaafada xafiisyada Dawladda Somaliland ayaa loo qabtay kulan hawleed kor loogu qaadayo xirfadooda iyo farsamooyinka ay ku shaqeeyaan.

Tallaabadan ayaa imanaysa kadib markii la ogaaday in marnaba tan iyo intii ay shaqada bilaabeen aanay helin tilmaam iyo xirfad-kordhin marnaba.”

Guddoomiye ku xigeenka hay’adda shaqaalaha dawladda Somaliland ayaa faahfaahin ka bixiyay waxyaabaha lagu baran doono tababarkan, waxaanu yidhi “Tababarkan ayaa inta uu socdo laga dhisi doonnaa dhinacyo kala duwan oo kaabi kara xirfadooda shaqo iyada oo sida oo kale-na tilmaam laga siin doonno sida loo nadiifiyo xafiisyada xasaasiga ah iyo hannaanka waraaqaha muhiimka ah looga ilaaliyo in la dayaco ama la daadiyo xiliga nadaafadu socoto.

Ka sakow tababarka, Shaqaale hawleedka qaybta nadaafada ayaa kulankani u yahay qiimayn iyo qadarin u gaar ah oo ay mudan yihiin in ay helaan sida cid walba u hesho kulamo iyo kocbcin intaba.

Shaqaale hawleedka Dawladda ayaa ah kuwa haya shaqada ugu hawsha badan isla markaana waxaa hubaal ah in ay mudan yihiin habayn, haybad iyo hayn-kordhin intaba.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply