Xildhibaanku Malaha Radio Muqdisho Ayuu Dhegaystay

0
873

Agaasimaha Idaacadaha Radio Hargaysa oo u Jawaabay Xildhibaan Nac-nac

Hargaysa (Dawan)- Agaasimaha waaxda idaacadaha ee Radio Hargaysa Xasan Maxamed Yuusuf, ayaa ka jawaabaya hadal ka soo yeedhay xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nac-nac), oo ka tirsan golaha Wakiiladda Somaliland, oo dhawaan dhaliilo u jeediyay idaacadda Radio Hargaysa.

Xasan Maxamed Yuusuf, oo shalay shir jaraa’id ku qabtay xarunta wasaaradda warfaafinta Somaliland waxa ku tilmaamay hadalka xildhibaan Nac-nac mid aan sal iyo rad toona lahayn.

Waxaanu yidhi “Waxaan ka jawaabayaa arrin dhacday bishan labadeedii, oo ku saabsanayd idaacadda Radio Hargaysa, oo uu ka hadlay nin ka mida golaha Wakiiladda, oo la yidhaahdo xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nac-nac). Arrintaaasi waxay si gaara uga hadlaysay Radio Hargaysa, oo uu eed weyn u soo jeediyay xildhibaanku.

Xildhibaanku wuxuu si toosa u maagayay wasiirka wasaaradda warfaafinta iyo cid kale oo gaara. Anigu hiil uma ihi, shaqadda wasaaradda balse Radio Hargaysa ayaan masuul ka ahay. Waxaan dadweynaha u sheegayaa waxa aanu ka shaqayno iyo waxa uu xildhibaanku ku andacooday, ee aan sharciga ahayn, oo uu iyadoo tacsi qaran lagu jiro nagu eedeeyay”.

“ALLE ha u naxariistee taliyihii ciidamadda booliska Somaliland C/laahi Fadal Iimaan, ayaa tacsidiisii lagu jiray. Runtii si weyn ayaanu uga xunnahay, anagoo soo gudbinaynay tacsidii ay u dirayeen madaxweynaha, goleyaasha qaranka, ta dadweynaha iyo ta masuuliyiinta kale-ba” ayuu yidhi Xasan.

Isagoo hadalka sii watayna waxa uu yidhi “Waxaan filayaa in xildhibaanku Radio Muqdisho dhegaystay. Qaranku wuxuu leeyahay idaacad u gaara quraanka oo tacsidu ka socotay, muu dhegaysan mana uu xusin, idaacaddda quraanka ee Radio Hargaysa, oo tacsidu ka baxaysay”.

Wuxuu sheegay Xasan Maxamed Yuusuf, in arrinta uu xildhibaan Nac-nac ku andacooday ee ahayd in geeridii taliyaha booliska darteed ay ahayd in quraan la saaro idaacadda Radio Hargaysa, ayaanay iyagu awood u lahayn.

Balse ay tahay mid uu jideeyay dastuurka Somaliland, waxaanu yidhi “Arrimaha caynkaas ah anagu shaqo kuma lihin, ama wasiirku shaqo ku leeyahay ama gaasimuhu. Waa arrin dastuuri ah. maalaha munaasibadaha qaranka la xusayo iyo tacsiyadahaba dastuurka ayaa lagu qoraa, isaga ayaan agolaha Wakiiladda ka tirsan, iyaga ayaana looga fadhiyay in ay dejiyaan oo ay keenaan.

Radio Hargaysa mar baa laga sameeyay tacsida caynkaas ah, waa markii ay geeriyoodeen madaxweyneyaashii hore ee Somaliland C/raxmaan Axmed Cali, iyo Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal”.

Dhinaca kale agaasimaha waaxda idaacadaha ee wasaaradda warfaafinta Somaliland waxa uu sheegay in taliyeyaal badan oo soo maray ciidanka booliska Somaliland ay hore u geeriyoodeen, isla markaana aan marnaba idaacadda Radio Hargaysa laga saarin quraan.

Waxaanu yidhi “Ciidanka booliska Somaliland waxaa soo maray saraakiil badan oo intoodii badnayd ay geeriyoodeen, oo uu ugu danbeeyay C/laahi Fadal. Waxaa geeriyooday Maxamed Saqadhi Dubad, Cilmi Rooble Fure, Maxamed Cige, Dhegaweyne, C/qaadir Muuse, Xuseen Axmed Guuleed (Xuseen-dheere), dhamaan way geeriyoodeen.

Intaa midna idaacadda quraan lagama saarin, oo barnaamijyadii kale lama joojin. Waayo? Arrin dastuuriya ma ahayn. Laakiin, tacsidoodda iyo taariikhdoodaba waa la xusayay”.

 

Leave a Reply