11 goobood oo lagu tilmaamay in ay daawashada iyo dalxiiska loo tago ayaa lagu daray Laas Geel

0
1109

By Omer Shariff- Deputy Middle East Editor.

Kow iyo toban goobood oo dunida ah oo lagu tilmaamay in ay daawashada iyo dalxiiska ku wanaagsan yihiin ayaa lagu daray goobta qadiimiga ah ee Laas geel. Sida uu qoray wargeyska Middle East News, goobahan oo badankoodu ku yaalaan Barriga dhexe iyo Waqooyiga Africa, waxa lagu tilmaamay  in taariikhdoodu ka da’ weyn tahay Qarniyo, balse ay Malaayiin sanno qaarkood jireen. Omar Shariff oo ay Tifaftire ku xigeen wargeyskan oo booqday Laas geel 11-kan goobood waxa uu ku tilmaamay goobaha ay tahay in loo dalxiis tegi karo.  Omer Shariif waxa kale oo uu Somaliland ku tilmaamay wadamada ugu nabada badan  uguna badbaadsan. Goobahaas  waxay kala yihiin:

  • Qudus (Jerusalem)

Soo jiidashada Qudus oo ay Yuhuudu u taqaan Jerusalem waa mid ruuxi ah, gaar ahaan qaybta qadiimiga ah ee ku yaal Masjid Qudus ee dhismihiisu la yaabka yahay. Xagga taariikhda ismay bedelin Qudus waxaanay magaalo barakaysan u tahay Muslimiinta, laakiin wakhtigan waxay u qaybsan tahay  Muslim, yuhuud iyo Kiristan. Ha’yada Qaramada midoobay u qaablisan waxbarashada, dhaqanka iyo Sayniska ee UNESCO  Qudus waxay u aqoonsan  tahay  magaalo ay leedahay Falastiin, laakiin waxa diidan Israa’iil oo xoog ku qabsatay kuna tilmaamantay inay tahay caasimada Israa’iil.

2-Ahraamta Masar (Pyramid of Giza)

Ahraamta Masar ee loo yaqaano Pyramids of Giza, waa Buuro dad samee ah, waxaanay markhaati ka tahay taariikhda Masar. Waxay muujinayaan raadka Faraacinadii xukumi jirtay Masartii taariikhda ka horaysay.  Ahraamta afarta ugu caansani waa Khufru, Khafre, Menkaure  iyo Sphinx (Pyramids of Khufu Pyramids of Khafre Pyramids of Menkuare and Pyramids of Sphinx).

3- Petra city, Jordan

Magaalada Petra ee waddanka Jordan magaalo dhismeheedu cajiib yahay, waxay ka sii joogta ilbaxnimadii dadkii loo yiqiin Nabatean. Sanadkii 2007-dii waxa loo codeeyey in ay ka mid tahay 7-da Mucjiso ee dunida, gaar ahaan qaybta Ubax cas ee magaaladan. Petra waxay ka soo jeedaa taariikh aan la aqoonsan, waxaanay u taagan tahay goob aan la aqoon. Sanadkii 1985-kii  waxay UNCESO u aqoonsatay goobaha dhaxalka u ah dunida (world heritage site). Petra city waxay aad u sii caan baxaday markii lagu jilay qaybo ka mid Filimadii caan baxay ee Indiana Jones iyo Last Crusade.

4- Sultan Ahmed, Istanbul, Turkey.

Istanbul waxay ka mid tahay magaalooyinka Barriga dhexe ee soo jiidashada leh, gaar ahaan xaafaddan loo yaqaano Sultan Ahmed , waxaana ay noqotay wadnaha dalxiiska ee magaalada Istanbul. Degmada Sultan Ahmed waxa  ku yaal Masjidka loo yaqaan Blue Mosque, goobta loo yaqaano Hagia Sophia iyo suuqa weyn ee Grand Bazaar.

5- Ummayad Mosque, Damascus.

Masjidkan waxa dhisay Khaliifadii Ummaawiyiinta ee Al- Waliid, waxa la dhisay sanadihii 705-715 AD. Muuqaalkaa Masjidkaa iyo dhulka ay ku fadhiyaa way ka duwan tahay  Dimishiq. Nasiib wanaag way ka badbaaday dagaalka dhimashada badan iyo burburka sababay ee ka socda Suuriya. Khaliifkii Ummaawiyiinta ee Al- waliid oo Masjidka ka dhisay Dhagax, waxa uu doonaayey in caasimadiisu ay yeelato Masjid weyn.

6- Imam Square, Isfahan. Iran.

Madian Al Imam oo loo yaqaano Imam Square waxa dhisay  Isfahan Nafis Al Jahan oo ahaa boqor. Waa dhismeyaal isku fadhiya oo leh fagaare aad u weyn, waxaanay u dhisan tahay sidii magaalo gaar ah oo ka duwan magaalada ay ku taal. Waxa la dhisay qarnigii 16aad. Waxa ku yaal fagaaraha ugu weyn dunida marka laga reebo fagaaraha Beijing ee Shiinaha. Imam Square waa raadkii Isfahan.

7- Badda dhimatay ee Jordan (dead Sea).

Waa mucjiso dabiici ah,xeebteeduna  waxay leedahay Rays qabow oo laysku duubo. Waxay kale oo leedahay Buuro la koro. Muddo sanado badan  ayey  Dead Sea soo jiidanay dalxiishayaasha Badda loo yaqaano  Mediterranean  Sea. hadaba hadii aad tago Jordan booqo Dead Sea.

8- The fjords of Musandam, Oman.

Waxa lagu magacaabaa  Norway-da barriga dhexe sababta oo ah waxay u eeg yihiin buuraha xeebaha leh ee Norway. Goobahan oo loo yaqaano  Musandam waa xeebo gun dheer oo buuro dhexdood ah waxaanay qaateen Naanaysta Norway-dii barriga dhexe. Waxaad ka helaysaa Doonyaha qaadiimiga ah ee Cuman. Waxyaabo badan oo xiiso leh ayaa laga helaysaa.

9- Laas Geel. Jamhuuriyada goday ee Somaliland.

Sawirada ku xardhan goobtan waxay u eeg yihiin kuwa sanado ka hor la sameeyey, laakiin waxa da’dooda lagu tilmaamay 5000 ilaa 7000 sanno ka hor. 40 km ayey u jirtaa Hargeisa oo caasimada Somaliland ah, waana godad meel ku wada yaal oo wax yar laga yaqaan taariikhdooda. Waa godad buuro ah oo isku xig-xiga, Muuqaalada sawiradan oo ay ka mid yihiin, dad, xoolo, ugaadh iyo xayawaano kale, ayaa lagu muujiyey midabo dhalaalaya oo aad u kala muuqda. Waxa loo malaynayaa in ay sawirada sameeyeen dad xoolo dhaqato ah oo deganaa dhulkaa  kumanaan sanadood ka hor.

Goobtan hore waxa lagu daray 7-da goobood ee  ugu faca weyn dunida. Omar Shariff waxa uu booqday Laas Geel 4-tii bishan February 2020, waxaana uu Somaliland ku tilmaamay meelaha ugu nabada iyo badbaada badan inta uu booqday.

10- Beirut Corniche

Shaki la’aan Beiret Corniche, meel la tamashleeyo way ugu wanaagsan tahay. Waa xeeb iyo dhismeyaal qurux badan , waxaad ka helaysaa waxyaabo badan oo qabato iyo cabitaan. Waa meesha ugu mudan Beirut dalxiiskeeda.

11) Cappadocia, Turkey

Goobtan waxay isugu jirtaa dhagaxaan dabiici ah godad dad sameeyey oo la galo. Waxa lagu magacaaba oo goob Joolajiga ah ee Anatolia. Waxa laga sameeyey godad dhulka hoostiisa ah oo Hotels ah. Waa dhagaxaan la qodi karo oo guryo laga samayn karo.

Waxa Turjmay: Xasan Xuseen.

 

Leave a Reply