Xisbiga UCID oo taageeray qorshaha Dawladda ee ka hortaga Corona Virus

0
539

“Ganacsatada waxaanu leenahay shidaalka ku soo celiya qiimaha uu maanta adduunyada ka marayo, haddii kale xukuumaddu Shidaal ha inoo keento..”Xog. Warfaafinta UCID

Hargeysa(Dawan)-Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID , ayaa bulshada ku booriyey in loo hogaansamo tallooyinka iyo awaamiirta ka soo baxa guddida qaran ee ka hortaga alle inaguma keenee caabuqa Corona Virus-ka.
Sidaasi waxa sheegay ku-simaha xoghayaha Warfaafinta xisbigaas Yusuf Kayse Cabdilaahi oo maanta wariyeyaasha kula hadlay Magaalada Hargeysa, kaasoo sidoo kalena ganacsatada Iibiya shidaalka ku dhaliilay in ay sicirka shidaalka halkii hore ku hayaan, xilli uu adduunka oo dhan hoos uga dhacay, taasoo uu xukuumadda ka dalbaday in ay kula xisaabtanto Dadka ka ganacsada Shidaalka amma ay iyadu keento shidaal jaban.
Yusuf Kayse Cabdilaahi waxa kale oo guddida ka hortaga Corona Virus ku booriyey in ay badsadaan la-tashiga dhakhaatiirta iyo khubarada caafimaadka, si tallooyinka ay bixinayaan u noqdaan kuwo dhinaca caafimaadka aad looga baaraan degay oo lagu saleeyey.
“Xisbi ahaan waanu taageersanahay guddidaas iyo awaamiirteeda, guddidana waxaan u soo jeedinayaa in markaad hadlaysaan aad la tashataan dhakhaatiir oo tallooyinka aad bixinaysaan ay ka muuqataa tallo dhakhtar si aan waxeena loogu arag laab-la-kac” ayuu yidhi.
“Shacbiga Somaliland waxaan leeyahay haloo hogaansamo awaamiirta ka soo baxda guddida. waayo? maanta waxa keliya ee aynu khatartaa kaga badbaadi karnaa waa inaga oo is-maqalna oo is dhegeysana”ayuu raaciyey hadalkiisa ku-simaha Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga mucaaridka ah ee UCID oo waraysigiisa si adag ugu naqdiyey ganacsatada Shidaalka soo dejiya iyo kuwa sii Iibiya.
Mr Kayse waxa uu tilmaamay “muddo 18 sannadooda halkuu maanta gaadhay Shidaalka qiimihiisu ee jaabnaanta ah muu gaadhin, waxa masiibo ah in iyadoo shidaalku halkii uu marayey 18 sanno kahor uu ku noqday in halkii la inoogu hayo innaga oo ay ganacsatadii kootada loogu xidhay Shidaalku ay qiimihii inagaga iibinayaan.”
Isagoo sii wata hadalkiisa waxa uu iftiimiyey “Shidaalka tobanka Litre maanta adduunyada waxay marayaan waxaan afar doollar dhamayn, inagana waxay inaga siinayaan siddeed dollar, taasina waxay tilmaamaysaa tudhaale la’aanta Ganacsatadeena.”
Dawladda ayuu ugu baaqay in ay wax ka qabato sicir-bararka Shidaalka, isagoo si gaar ah talaabadaasi ugu booriyey Wasaaradda Ganacsiga.
“Ganacsatada waxaanu leenahay shidaalka ku soo celiya qiimaha uu maanta adduunyada ka marayo, haddii kale xukuumaddu Shidaal ha inoo keento, inta kootada laga saaro ileen iminka toban Inan buu kooto ugu xidhan yahaye.”ayuu beyaamiyey afhayeenka u hadlay Xisbiga UCID oo dhinaca kale xusay “Waxa inaga shidaal jaban Itoobiya oo aan lahayn deked oo ay Faastadu marayso $95 Dollar, inagana waxay inaga siinayaan $120 Dollar”.
Isbedel xooggan oo dhanka Sicirka Shidaalka ah ayaa bilihii u dambeeyey caalamka oo dhan ka jiray, waxaanu aad u sii jabay intii isu-socodka caalamka go’doomiyey cudurka Corona Virus, taasoo loo nisbanayo in suuqyadii waaweynaa ee loo iib-geyn jiray istaageen, khaasatana dalka Shiinaha oo kamida dalalka ugu wershadaha badan ee isticmaala Shidaalka ugu badan.

Leave a Reply