Kulan lagaga hadlayay Horumarinta Beeraha gobolka Togdheer oo lagu qabtay Burco.

0
260

Burco (Dawan) Magaalada Burco ee Xarunta gobolka Togdheer ayaa waxaa lagu qabtay kulan lagu horumarinayo beeraha waxaana kulanka kasoo qeybgalay iskaashatooyinka gobolka Togdheer maamulka dagmada burco iyo marti sharaf kale.

Qaar ka mida xubnaha ka qayb galay kulanka ayaa sheegay inay rajjaynayaan in laga wada qayb qaato horumarinta beeraha.

Guddoomiyaha guddida horumarinta beeraha ee hay’adda ADO, Yuusuf Warsame oo ugu horrayn halkaasi ka hadlay ayaa yidhi. “ADO, markii ay hawshan galaysay waxa aanu aragnay cilmibaadhis ay sameysay oo la eegayay beeralaydeenu siday Siidhkan u beertaan, waxaana soo baxday in halkii Higter laga helay afar nooc oo siidh ah oo geed oo soo baxay.

Marka waxa aynu u baahanahay sidii ay uga wada shaqeyn lahayn, isaga kaashan lahayn, inaynu maskaxda tuujino oo oo khibradeena aqooneed iyo ta waaya aragnimo iyo ta deegaanimo, iyo ta cimilo iyo ta wada shaqeynta hay’addaha ay khuseyso oo dhan in aynu ka soo saarno wax la yidhaahdo xidhiidh wadaag, oo marka aynu yeelano shirar lagu jaangoynayo maxaa caqabado ah ee jira, maxaa xalku yahay, sideebaynu xalkaasi uga gudbaynaa, maxaynu qabsanaynaa anigu”

Madaxa mashruuca horumrinta beeraha Ibraahim Cabdillaahi ayaa ka waramay ujeedka kulanka.“Ujeeada aynu maanta isugu nimid waxa weeye ee intaas oo kooxood oo kala duwan la isugu keenay, waa sidii kor loogu qaadilahaa beeralayda iskaashatooyinkooda, xarunta kaydka abuurka, jaamacada qaybta beeraha, wasaaradda beeraha, iyo College-ka Beer ku yaalaba sidii kor loogu qaadilahaa wax-soo-saarka si loo helo siidh ama abuur tayo leh, oo ay soo saarto xaruntani, isla markaana dhan looga wada noqon lahaa wixii dhib ah ee yimaada,”

Isu-duwaha wasaaradda horumarinta beeraha Somaliland ee gobolka Togdheer, ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin wax kasta oo lagu horumarinayo beeraha gobolka Togdheer. “Horta marka hore waan uga mahad naqaya ADO, oo dhab ahaantii si weyn ula shaqeysa beeraha.

Anigu hore ayaan u sheegay in hay’addo badan ay ka waxqabad wanaagsan tahay ADO, sababto ah aqoontiina waa ay leeyihiin waana dad u dhashay Somaliland, kana hawlgala gudaha waddanka.

Annagu ka wasaarad beero ahaan diyaar ayaanu u nahay mar walba in aanu wax la qabano, sababto ah siidhka halka Higter iyo wax ka badanba waa la idinku kordhin doona”

Leave a Reply