Gudiga Taakulaynta Qaran iyo Golaha Deegaanka Hargeysa oo Iska Kaashanaaya Suuqa Waahen

0
383

Hargeysa (Dawan)- Gudoomiyaha Guddiga Gargaarka iyo Taakulaynta Qaran ayaa shalay kulan kula qaatay Wasaaradda Diinta xildhibaanada Golaha Deegaanka Hargeysa la xidhiidha taakulaynta Suuqa Waahen.

Kulankan oo ay ka qeybgaleen Wasiirka Diinta, ahna Gudoomiyaha Guddiga Gargaarka iyo Taakulaynta Sheekh Albaani & Wasiir-xigeenka Ganacsiga Muuse Selaf ayaa ugu horeyn uuga mahadceliyey Golaha Deegaanka Hargeysa hawsha ay ka hayaan suuqa Waaheen.

Guddiga Gargaarka & Taakulaynta Qaran ayaa xog dhamaystiran ka siiyey xubnaha Golaha Deegaanka Hargeysa waxa u qabsoomay ilaa xilligan iyo qorshahooda, isla markaana ugu baaqay Xildhibaanada Deegaanka Hargeysa inay gacmaha isku-qabsadaan sidii looga soo kaban lahaa masiibadii suuqa waahen.

Gunaandkii kulanka ayaa Guddiga Gargaarka & Taakulaynta Qaran iyo Golaha Deegaanka Hargeysa oo Maayirka Cabdikariin A. Mooge hogaaminayey la iskula qaatay inay si dhow uga wada shaqeeyaan hawlaha Gargaarka iyo Taakulaynta ganacsatada suuqa Waahen.

 

 

Leave a Reply