Nairobi: Wefti Wasiirro ah oo Kulan la Qaatay Saaxiibada Somaliland ee Caalamka

0
530

Xukuumada Ingiriiska oo shaacisay taageerada ay kaga qeybqaadanayso taakulaynta Suuqa Waaheen

Hargeysa (Dawan)- kulan la xidhiidhay taakulaynta suuqa Waaheen ayaa shalay Xukuumada Somaliland iyo xubnaha Qaadhaan-bixiyeyaasha iyo saaxiibada Somaliland ku dhexmaray dalka Kenya, kaas oo la sheegay inuu natiijo fiican ku soo dhamaaday.

Wefdi uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibedda Dr. Ciise Keyd, oo ay xubno ka ahaayeen Wasiirka Qorsheynta Qaranka Dr. Cumar, Wasiir-xigeenka Maaliyadda Marwo Rooda Cilmi, La-taliyaha Mr Muuse Jaamac iyo Safiirka Somaliland ee dalka Kenya Maxamed Barwaani oo kulankan la qaatay wakiilada metela dalalka Qaadhaan-bixiyeyaasha ee fadhigoodu yahay Kenya.

Kulanka oo lagaga arrinsaday doorka ay saaxiibada caalamka ee Somaliland ka qaadan karaan kasoo kabashada masiibadii dabka ee Suuqa Waaheen, ayaa la sheegay in lagu soo qaaday qiimayn hordhac ah guddi sagaal hay’adood oo Qaramadda Midoobay ah iyo Midwoga Yurub ka soo saareen dhibaatadii ka dhacday suuqa Waaheen iyo sida wax looga qaban karo wakhtiga dhow iyo ka fog.

Wakiilka Dawladda Ingiriiska u fadhiya Somaliland Lizzie Walker ayaa sheegay in Ingiriisku taageero farsamo iyo mid fog ka geysan doono taakulaynta suuqa Waahen.

Qoraal Ms. Walker ku baahisay barteeda Twitter ayey ku sheegtay “Kulan wanaagsan oo Nairobi kula yeeshay Wasiirka arrimaha Dibedda Dr Ciise iyo deeq bixiyayaasha la xidhiidhay dabkii suuqa Hargeysa Baahidu way sii caddaanaysaa. Ingiriisku waxay u ballan qaaday taageero farsamo oo deg deg ah & kaalmo wakhti dheer ah oo ay siiso bulshada Hargeysa.

Ms. Walker ayaa sheegtay in Qaadhaan-bixiyeyaashu sameeyeen ballanqaad, la xidhiidha taageero ay ka geystaan hawlaha taakulaynta iyo daahfurnaanteeda.

Qoraal lagu baahiyey barta Twitter ee Guddiga Gargaarka & Taakulaynta Qaranka shalay ayaa lagu sheegay in kulankii wefdigii xukuumada Somaliland ee Wasiirka Arrimaha dibedda Dr Ciise hogaaminayey, qeybna ka ahaayeen Guddiga Gargaarka & Taakulaynta Qaran iyo Safaarada JSL ee Kenya la yeesheen Beesha Caalamka ee lagaga hadlayey saamaynta dabkii Waahen si wanaagsan u dhacay.

 

 

 

Leave a Reply