Safiirka iyo Jaaliyadda JSL oo Taakulaynta Suuqa Waahen kala Hadlay Xildhibaanada dalka Canada

0
398

Ottawa (Dawan)- Safiirka JSL ee dalka Canada Marwo Luul Cismaan iyo xubno ka tirsan jaaliyada reer Somaliland ee dalka Canada ayaa shalay kulan la xidhiidha taakulaynta suuqa Waahen la yeeshay xildhibaanad baarlamaanka dalkaasi.

Xildhibaanad Marie France Lalonde oo ka hadashay kulanka ay la yeelatay xubnaha jaaliyadda iyo Safiirka ayaa sheegtay, “Waxaa sharaf ii ah in aan la kulmo madaxda bulshada Somaliland oo aan kala hadalno caqabadaha haysta Somaliland oo ay u badan tahay dabkii ka kacay suuqa Hargeysa iyo hawlaha dib u dhiska.

Safiirka JSL ee dalka Canada Marwo Luul ayaa uuga mahadcelisay xildhibaan Lalonde, iyo xubnaha kale ee jaaliyadaha magaalooyinka kulanka, waxaanay fariin ay qortay ku tidhi, “Waan uga mahadcelinayaa Xildhibaan Lalonde iyo asxaabta reer Somaliland ee magaalooyinka Ottawa iyo Orleans.

Safiir Luul ayaa si gaar ah uuga mahadcelisay Rooda Muuse oo kulan taakulaynta Suuqa Waahen oo khadka muuqaal-araga ku dhacay isku duba-riday.

Talaabadan ayaa la xidhiidha dedaalo Safiirka JSL marwo Luul iyo Jaaliyadaha dalka Canada ugu jiraan taakulaynta suuqa Waahen.

 

 

Leave a Reply