Axsaabta Mucaaradka oo lagu Eedeeyay in ay Siyaasadeeyeen Masiibadii Dabkii Suuqa Waaheen

0
431

Hargeysa (Dawan) Xildhibaan Siciid Jaamac Cali oo ka tiran Golaha Deegaanka Hargeysa ayaa ku ee deeyay Xisbiyadda Mucaaradka ee WADDANI iyo UCID in ay Siyaasadeeyeen Masiibadii dabkii baabiiyay Suuqa weyn ee Waaheen.

Siciid Jaamac Cali ayaa waxa uu sheegay in ay wax ku qaban karaan Golaha Deegaanka oo midaysan, waxaana uu intaasi ku daray in aan loo baahnayn in shaki la dhex dhigo Shacabka Hargeysa, Golaha Deegaanka iyo Xukuumadda Somaliland.

Siciid Jaamac oo arimahaasi ka hadlayayna Waxa uu yidhi “Masiibadii Suuqa Waaheen markii ay inagu dhacday saraakiil ka tirsan labada xisbi Mucaaradka ayaa Siyaasadeeyay, hadalka iyo dareenka kala shakiga Maanta dhex yaala Shacabka Hargeysa, Golaha Deegaanka iyo Xukuumadda ay sabab u yihiin iyagu, waxay sabab u noqotay in Golahayagii deegaanka ee midaysnaa markii hadal kaasi soo noqnoqday tiraba Saddex Xildhibaan Warbaahinta la hadleen”.

Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi “Bulshadiina waxa gaadhay in aanu qaybsanahay shacabka Hargeysa waxa aan leeyahay waxa aad u baahan tihiin waa Horumar, waxaana aanu wax ku qaban-karnaa Golaha Deegaankayaga oo midaysan, mana kala qaybsanin ee hal mid ayaanu nahay, Cabdikaraiim Axmed Mooge waxa doortay 17 Xildhibaan ee Golaha Deegaanka Maalinta aanu aragno in uu gaabis yahay anaga ayaa la Xisaabtamayna. cidii wax sheegtaa waa cid diidan Horumarka Hargeysa”.

 

 

Leave a Reply