Madaxweynaha oo Maalinta Isniinta  Hortagi-doona labada Gole Qaran

0
284

Hargeysa (Dawan) Madaxwaynaha Somaliland mudane  Muuse Biixi Cabdi ayaa maalinta isniinta ee todobaadkan qudbad sannadeedkiisa u jeedin doona labada gole qaran ee guurtida iyo Wakiilada

Guddoomiyaha golaha wakiillada Somaliland mudane  Cabdirisaaq Khaliif Axmed,  ayaa ku wargaliyay in madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi uu qudbad sannadeedkii ka hor jeedin doono golayaasha qaranka.

Guddoomiye waxaa uu mudanayaasha ku adkeeyeen in maalinta Isniinta ay sagaalka subaxnimo ay ka soo xadiran xarunta golaha baarlamaanka.

Waxaanu sidan ka sheegay furitaanka kalfadhigii 3-aad ee golaha wakiillada oo maanta si rasmiya u furmay.

Waxaanu yidhi.”Waxa maanta ina hortaala warqad ka soo gudubtay xafiiska madaxweynaha, oo sumadeeduna tahay JSL/XM052022, waxa ay ku socota labada shir’guddoon ee golaha baarlamaanka ee guurtida iyo wakiillada.

Ujeedadu waxa weeyi khudbad sanadeedka madaxweynaha.

Waxa ay warqaadu u qoran tahay mudnayaal, anigo cuskanaya dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,

Qodobkiisa 46-aad farqadiisa 4’aad, waxaan soo jeedinayaa in maalinta isniinta ee taariikhdu tahay 9/5/2022 aan labada gole ee guurtida iyo wakiillada ee baarlamaanka u jeediyo khudbad sannadeedkii dastuuriga ahaa.

Sidaasi darted mudanayaal waxa aan si sharaf iyo xushmad leh idiinka codsanayaa inaad isugu yeedhaan mudnayaasha labada gole, kulan wada jira, taariikhda kor ku xusan sagaalka subaxnimo.

Waxa Iyana inoo taala khudbad sanadeedkii madaxweynaha oo noqonaysa maalinta isniinta haddii ILLAAHEY yidhaahdo, waxa aanu mudanayaasha farayna in maalinta isniinta sagaalka subaxnimo yimaadaan, haddii ILLAAHEY yidhaahdo, fadhiguna golaha guurtida ayuu noqonaya hadii ILLAAHEY yidhaahdo, madaxweynuhuna khudbada ka jeedin doonaa, sidaasi ayaynu ula soconaynaa.

Berri marka aynu ajandaha ansixino hawlaheeni kale ayaa inoo bilaabmi doona haddii ILLAAHEY yidhaahdo”

Leave a Reply