Ciidamadda kala Duwan ee Somaliland oo Diyaar garow ugu Jira sidii ay Wacdaro uga dhigi lahaayeen Xuska Maalinta Qaran ee 18-ka May

0
419

Hargaysa  (Dawan) – Guddiga qaban qaabada xuska qaran ee 18 may ayaa saaka xerada 31-aad ee ciidanka qaranka Somaliland kaga qayb galay Dhoolatus iyo Gaarta kacayaar ay soo ban dhiagayeen ciidamada kala duwan ee qalabka sida oo ay ugu diyar garoobayeen xuska qaran ee 18 may.

Waxa ka mid ahaa  Guddigaas  wasiirada wasaaradaha arrimaha gudaha, warfaafinta, arrimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga, gaashaan dhiga, iyo ciyaaraha, sidoo kale waxaa qayb ka ahaa wasiir kuxigeenada wasaaradaha waxbarashada, xanaanada xoolaha iyo horumarinta Kaluumaysiga iyo Taliyayaasah kala duwan ee ciidamada qaranka .

Waxa halkaas gaardis iyo dhoolatus kumaray ciidamda kala duwan ee qalabka sida, taas oo ay ku muujinayeen udiyaar garawgooda maalinta qaran ee xuska 18 may.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigalinta Somaliland Mudane Saleebaan Cali Koore ayaa Ciidamada qalabka sida ku bogaadiyey u diyaar garawga maalinta qaran ee Xuska 18 May oo fooda inagu haysa.

Saleebaan Yousuf Cali Koore wasiirka warfaafintu waxa uu ku ammaanay ciidamada sida buuxda ee ay uugu diyaar garoobeen xuska 18 may oo ku beegan 1993 18 may markii ay Somaliland xornimadeeda kala soo noqotay Somalia.

Leave a Reply