Sharci may ahayn sidii Golaha Wakiilada ay kaga soo Gudbeen Xeer lambar 14 iyo Xeer lambar 91″. Xildhibaan Abubakar

0
477

Hargeysa (Dawan):-Xildhibaan  Abubakar Siciid Cali oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiilada ayaa sheegay in aanay sharciyadda waafaqsan sidii Golaha Wakiilada ku meel mariyay  Xeerarka Khilaafka ka dhex abuuray labada hole ee Baarlamaanka.

Abubakar Siciid Cali ayaa tilmaamay in  kooramka Golaha Wakiilada aanu buuxin markii loo codeeyay Xeer 91 ee Doorashooyinka iyo xeer 14 ee  Ururada Siyaasada,waxaana uu intaa ku daray in ay fadhiyeen 33 Mudane.

Abubakar Siciid oo Arimahaasi ka hadlayayna Waxa uu yidhi”Sharci may ahan sidii ay kaga soo gudbeen  Golaha Wakiilada  xeer lambar 14 iyo Xeer lambar 91,markii loo codaynayay tirada kooramka ee Goluhu may buuxin lama tirin,markasta oo Goluhu codaynayo  waa in la tiriyo Xildhibaanada fadhiya.taasina waxa ay  xaqiijinaysaa  in si saxa aanay ku soo dhaafin xeerar kaasi Golaha Wakiilada.waxaana Golaha fadhiyay 33 Mudane markii codka loo qaaday labadaa  Xeer,”.

 

Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wata,ayaa yidhi.”Markii loo gudbiyay Xeerarka  waxaa gaadhay Golaha Guurtida khilaafkii ka dhashay Xeerkan,Golaha Guurtida aad ayaan ugu ammaanayaa in xeerarkaas Golaha Wakiilada ay ku soo celiyeen, waxaanu  yeelay  Guddoomiyaha Guurtida sidii laga filayay  ee looga bartay Golaha Guurtida,”.

Khadar.M.Dhako.

Leave a Reply