Waxaa dalka laga hir geliyay saddex boqol iyo todobaatan Ceel-biyood oo kuwa dhaadheer ah.

0
243

 

Xukuumadda Somaliland oo Ceel-biyoodyadii  ugu Tirada Badna ka Hirgelisay Gobollada Dalka

Hargeysa (Dawan):- Xukuumadda Somaliland ee oo gadhwadeenka ka yahay Madaxweynaha qaranka Mudane Muuse Biixi Cabdi,ayaa dalka ka hirgelisay Ceel-biyoodyadii ugu torada badnaa oo dhan sadeex boqol iyo todobaatan ceel-biyood oo laga hir geliyay dhammaan gobolada dalka oo dhan.

Wasaaradda horumarinta biyaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa gobollada dalka hirgelisay saddex boqol iyo toddobaatan ceel biyood oo kuwa dhaadheer  ah.

Haddii aynu si kooban isu dul taagno, shaqada ay wasaaradda horumarinta biyahu ugu igman tahay Qaranka ayaa ah, inay xaqiijiso daboolidda baahiyaha biyaha nadiifta ah si loo xaqiijiyo in muwaadinkasta helo biyo nadiif ah oo kufilan, dejinta siyaasadda iyo halbeegyada maalgelinta biyaha, kormeeridda fulinta shuruucda iyo maaraynta arrimaha quseeya ka hortagga iyo xakamaynta wasakhawga biyaha, qodista ceelal iyo kaydad biyaha nadiifta ah ah ee goobaha miyiga ah si bulshada reer guuraagu u helaan biyo nadiifa oo ku filan, maamulka iyo dayactirka ceelasha dhaadheer iyo goobaha kale ee biyaha ka baxsan magaalooyinka waa weyn, sameynta guddiyo daryeela ceelasha tuulooyinka iyo goobaha miyiga ah, si looga hortago dayacaadda ku iman karta ceelasha biyaha, sameynta tirakoob iyo diwaan lagu xafido tirada adeegyada biyaha dalka, in bulshada xoola dhaqatada ay u sameyso goobo waraabka xoolaha nool ah, si dadku u helaan adeeg biyood, qiimaynta, qorshaynta, xidhiidhinta iyo samaynta istaraatiijiyada iyo siyaasada la xidhiidha biyaha, sameynta daraasado la xidhiidha khayraadka biyaha dalka, si loo helo xogta mugga iyo tayada biyaha dhulka hoostiisa iyo kuwa oogadaba, si loo fududeeyo ka faa’idaysigooda, inay ka hawlgasho in la sameeyo daraasado, cabiro iyo farsamada dhismaha si loo dhiirigeliyo biyo xidheenada yar yar iyo kuwa waa weyn ee waraabka.

 

Haddaba iyada oo wasaaradda biyuhu ka duulaysa intaas aynu kor ku xusnay oo dhan waxa ay markasta dedaal joogta ah ugu jirta sidii ay bulshada uga xaqabtirilahayd helitaanka biyo ku filan miyi iyo magaaloba.

 

Xildhibaan Axmed Quule oo ka tirsan golaha guurtida Somaliland ayaa warbaahinta u sheegay in wasaaradda horumarinta biyaha Somaliland guul ka gaadhay gaadhsiinta xagga biyaha ee bulshada ku guud ahaan gobollada Somaliland.

Waxaanu yidhi.“Somaliland waxa ay ka kooban tahay lixdii gobol ee hore iyo kuwii danbe ee la magacaabay ceelasha gobollada dalka laga qoday waa saddex boqol iyo toddobaatan ceel biyood.

Maareeye ku xigeenka wakaalada biyaha ee magaalada Berbera waxa uu yidhi Bamamka waxa aanu soo siina toban kun oo dollar, saddex bilood kadibna wuu gubta Bamkaasi sababtuna waxa weeyi marka bamka la soo iibinayo waxa laga yimaada baanalkii ku xidhna biyaha, iyo botonkii biyaha lagu xakameynayay”

Tallaabadan ay wasaaraddu ceelashii ugu tirada badna kaga qoday gobollada Somaliland ayaa ah tallaabo dhanka horumarinta biyaha loo qaaday, isla markaana wax weyn ka tartay biyo yaraantii haysay bulshaweynta Somaliland.

Qore Khadar M. Xaashi

Leave a Reply