Xukuumada Somaliland oo Caalamka ugu Baaqday Taageeridda ka Qeyb-qaadashada Taiwan ee ICAO

0
370

Hadafka ICAO ee Isku-xidhka aduunku waa fashil Taiwan la’aanteed

Hargeysa-(Dawan):- Wasiirka Arrimaha Dibedda Dr Ciise Keyd Maxamuud ayaa ugu baaqay beesha caalamka inay fursad u siiyaan dalka Taiwan inuu wax badan ku soo kordhiyo caalamka, kana qeybgalo Shirweynaha Hay’adda duulimaadyada caalamka ee ICAO.

War saxaafadeed shalay ka soo baxay Wasaarada Arrimaha Dibedda, oo uu ku saxeexan yahay wasiirka wasaaradda Arrimaha Dibedda Dr Ciise,ayaa u dhignaa sidan “Taiwan way caawin kartaa, duniduna waa inay u ogolaataa Taiwan inay caawiso. Taiwan, oo ah dal dimuqraadi ah oo ay Jamhuuriyadda Somaliland la wadaagto qiyamka isku midka ah, waxaanu aragnay kartida iyo  waxtarka ay Taiwan u leedahay beesha caalamka.

Kalfadhiga 41-aad ee Golaha ICAO oo bilaabmay 27 September illaa 7 Oktoobar, waxay noqon doontaa dhacdadii ugu weynayd ee dib u soo kabashada waaxda duulista, iyo muhiimadda wada shaqeyn  dhexmarta dhammaan daneeyayaasha beesha caalamka ee duulista. waxaanan aaminsannahay in aan hadafkaas la gaadhi karin Taiwan la’aanteed.”

Qoraalka xukuumada oo lagu bayaamiyey sababaha ay muhiim u tahay  ka qeybgalka Taiwan ee Hay’adda Duulimaadyada Caalamka (ICAO) ayaa lagu yidhi,

“Ka qaybgalka Taiwan waa mid muhiim ah oo lama huraan ah waaxda duulimaadyada caalamiga  ah, Hadafka kalfadhiga 41-aad ee ICAO oo ah “dib-isugu-xidhida adduunka, ayaa haddii ay Taiwan ku jirto waxay gacan ka geysan doontaa in dunidu gaadho hadafkan.”

War saxaafadeedka ayaa intaa  raaciyey. “Somaliland waxay og tahay muhiimadda ay leedahay iskaashiga duulimaadyada caalamiga ah, waxaanay ICAO ugu baaqaysaa inay ilaaliso mawqif xirfadeed iyo dhexdhexaadnimo, kuna martiqaado Taiwan shirka sanadkan, maadaama iskaashiga duulista ee dunidu u baahan yahay habayn ballaadhan oo ka turjumaysa xaqiiqada dhabta ah. Taiwan way caawin kartaa, caalamkuna fursad ha siiyo Taiwan ay ku caawiso.”

Mohamoud Walaaleye

Leave a Reply