Guddida Sanduuqa Horumarinta Somaliland oo Ka Shiray Kor-u-qaadida Barnaamijyadda Horumarineed ee Dalka

0
23

Hargaysa (Dawan) Wasiirka qorshaynta iyo horumarinta Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Marwo Kaltun Sh. Xasan Cabdi, ayaa guddoomisay shirka guddida sare ee maamulka Sanduuqa horumarinta Somaliland (SDF – Steering Committee JSC), oo ka qabsoomay Hotel Ambassador, Hargeysa.

Shirkan, oo la qabto saddexdii biloodba hal mar ayaa lagaga arrinsadaa mashaariicda SDF laga maalgeliyo, halka ay marayaan, caqabadaha jira, iyo qorshayaasha mustaqbalka.

Intii uu shirku socday, waxaa warbixin laga dhageystay masuuliyiinta ka shaqeynayay hirgelinta mashaariicda, iyo sidii kor loogu qaadi lahaa hufnaanta iyo waxtarka barnaamijyada horumarineed.

Sidoo kale waxaa kulanka lagaga hadlay muhiimadda iskaashiga u dhexeeya dowladda Somaliland iyo qaadhaan bixiyayaasha, si loo xaqiijiyo yoolalka horumarineed ee SDF, loona dardargeliyo mashaariicda waxtarka u leh bulshada.

Guddigan ayaa ka kooban wakiillada wadamada ku mideysan Sanduuqa horumarinta Somaliland (SDF) iyo xubno ka socda dowladda Somaliland, gaar ahaan wasiirka qorshaynta iyo horumarinta Qaranka Marwo Kaltun Sh. Xasan Cabdi iyo wasiirka maaliyadda Somaliland Cabdilaahi Maxamed Xasan , sidoo kale waxaa shirka qayb ka ahaa wasiirka xannaanada Xoolaha somaliland Cumar Shucayb Maxamed, wasiirka Kalluumaysiga, Cali Jaamac Buureed, iyo maareeyaha wakaalladda horumarinta waddooyinka Maxamed Faarax Cabdi.

Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee (SDF) waa deeq lacageed oo lagu taageero dawladda Somaliland si ay u fuliso barnaamijyo kor loogu qaadayo Horumarinta Somaliland kuwaas oo waafaqsan Qorshaha Horumarinta Qaranka, sanduuqan waxaa maalgeintiisa iska kaashaday dalalka Ingiriiska, Denmark, Norway iyo Netherlands.