15 Xabsi, 7 Caanamaal, masaafo ku dhaw 2500 KM iyo Qorshe Qaran ee Xukuumadda Wadajir iyo waxqabad”
Waxa aan maanta soo gebagabeeyey safarkii u kuurgalida xaaladda maxaabiista iyo xabsiyadda dalka. Safarkan oo ujeedkiisu ahaa dib-u-habaynta nidaamka xabsiyadda iyo u xogagaal noqoshada xuquuqaha aasaasiga ah ee maxaabiista, waxa uu celcelis ahaan muddo toddoba maaalmood ah oo aannu safarnay masaafo aan ka yarayn 2500 KM.
Safarkan xogogaal noqoshada iyo darsida xaaladda maxaabiista iyo Xabsiyadda isugu jirta oo ka mid ahaa qorshaha 100 maalmood ee xukuumadda WADDANI ee uu hoggaaminaayo Madaxweyne Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Cirro, ana aan uga masuul ka ahay, kuna metelaayo madaxweynaha siyaasadda iyo horumarinta nidaamka Caddaaladda ee xabsiyaddu ka mis yihiin, waxa aannu kormeer ku tagnay 15 Xabsi oo kala ah
1. Xabsiga Gabilay
2. Xabsiga Boorame
3. Xabsiga Baki
4. Xabsiga Berbera
5. Xabsiga Burco
6. Xabsiga Garadag
7. Xabsiga Ceel-afweyb
8. Xabsiga Ceerigaabo
9. Xabsiga Caynaba
10. Xabsiga Balligubadle
11. Xabsiga Salaxlay
12. Xabsiga Mandheera
13. Xabsiga Hargeysa
14. Xabsiga Haleya iyo
15. Xabsiga Mija Casewye.
Kormeerkan darsida iyo xogogaal u noqoshada xaaladda maxaabiista iyo xabsiyadda, waxa aannu ku dhawaad ku warraysanay 3000 maxbuus oo mid kasta kiiskiisa aan baadhnay, iyadoo Xabsi kasta ugu yaraan aan 8 saacadood ku qaadanay baadhistiisa iyo warraysiyada maxaabiista.
Waxa aannu si gaar ah u eegaynay oo baadhis ku samaynah qolalka maxaabiistu ku nool yihiin nadaafadooda, jiifkooda, cuntada, biyaha caafimaadka, sida hawlwadeennada Xabsigu ula dhaqmaan iyo xaaladooda sharci sida rafcaanka, muddada xadhigooda iyo maxaabiista xuquuqaha madani u xidhan ee xadhigu ka dhammaaday, balse xabsiga ugu sii jira xuquuqo lagu leeyahay oo aanu qorshaynayno in xal qaran laga soo saaro.
Dalka waxa ka jira 13 xabsi oo shaqeeya iyo laba xabsi (Haleeya iyo Mijo-caseeye) oo sannadkan la hawlgelin doono, waxaanna qorshuhu yahay in xabsiyaddu noqdaan goobo dhaqan-celin oo ay ka soo baxaan xirfadyahan iyo aqoonyahan bulshada dhaqan wanaagsan iyo horumar ku soo kordhiya. Waxa aanu kormeerkan ku soo eegaynay, kuna soo qiimaynaynay sidii xabsiyadda dalku u noqon lahaayeen goobo wax-soo-saar iyo aqooneed oo dib-u-habayn ballaadhan lagu sameeyo.
Safarkaa Baki ilaa Ceerigaabo isku xidhay ee masaafada celceliskeedu 2000 Km ka badan yahay oo guure iyo gudis habeen ba lahaa waxa aan uga dan leenahay in muwaadiniinteena sharciga ku gefay ee khaldamay dib-u-bulshayn (Reintegration) lagu sameeyo oo ay inagu soo noqdaan iyagoo horumar ina gaadhsiin kara, waxa kale oo ay badbaado u noqonaysaa shacabka iyo qaranka ba.
Socdaalkaas kormeer waxa aan maanta ku soo gunaanadnay Xabsiga Gobolka Maroodi-jeex oo runtii ka mid ah Xabsiyadda haya dambiilayaasha ugu xukunnada culus. Kormeerkaasna xog fiican oo xabsiyadda lagu horumarin karo, xuquuqda maxaabiistana lagu sugi karo waannu ka soo helnay, waxa hadda loo gudbi doona hawlqabadyada dib-u-habaynta nidaamka xabsiyadda dalka.”