Lamaanayaal u dhashay dalka Australia ayaa ka hadlay “arxan-darrado” markii meydka qof dhintay oo la socday diyaarad ay saaraayeen dhinacooda la dhigay.
Mitchell Ring iyo Jennifer Colin, oo u safrayay diyaaradda Qatar Airways, una socday Venice oo Italy si ay fasax ugu qaataan, ayaa u sheegay Channel 9 ee Australia in haweeneydu ku dhimatay diyaarada dhexdeeda ay xilli ay diyaarad ka duushay Melbourne kuna socotay Doha, ka dibna ay shaqaalaha diyaaradu meydkii haweenayda dhigeen kuraasidii dhinacooda iyada oo buste keliya la saaray.
Mr Ring waxay sheegeeen in mudo afar saacadood oo ay duulimaadka ku jireen aanay ka qaadin agtooda, iyada oo ay kuraas badani iska bannaanayd.
Diyaaradda Qatar Airways ayaa sheegtay in ay raaligelin ka bixisay “dhibaato kasta ama dhibaato kasta oo ay arrintani keentay” iyada oo intaas ku dartay in ay ku guda jirto la xidhiidhida rakaabkii diyaaradaa.
Hase ahaatee Lamaanahan ayaa sheegay in aanay la soo xidhiidhin ama aanay taageero u fidin Qatar Airways iyo Qantas oo ah shirkadda kale ee wada shaqaynta leeyihiin.
Lamaanuhu waxay yidhaahdeen waa in uu jiraa hab-maamuus lagu ilaalinayo rakaabka saaran diyaaradda marka xaaladahan oo kale yimaadaan.
Sidoo kale Mr Ring ayaa u sheegay Channel Nine in shaqaaluhu ay yimaadeen “wax yar ka dib” markii ay haweeneydu dhacday, laakiin “nasiib darro haweeneyda waa la badbaadin kari waayay, taasina qalbi jab ayey ahayd in la daawado”.
Mr Ring Waxa uu sheegay in shaqaalihii ay agtiisa dhigeen marki ay dhimatay,
Halka Ms Colin oo lamaanihiisii ah ay guurtay kursigii oo fadhiisatay mid kale oo u dhow Mr Ring. Mr Ring ayaa intaa ku daray in afar saacadood ka dib markii la dejinayey ay askarta ambalaas ay bilaabeen in ay bustayaal ka siibaan haweeneydii uuna arkay wejigeeda.
Lamaanuhu waxay sheegeen in loo baahan yahay “waajib daryeel” macaamiisha iyo shaqaalaha.
Bayaan ay soo saartay Qatar Airways ayaa lagu yidhi: “Ugu horeyn fikradaheenu waa qoyska rakaabka oo si murugo leh ugu geeriyooday diyaarada.
“Waan ka cudur daaraneynaa wax kasta oo dhib ah ama dhib ah oo ay dhacdadani keentay, waxaana ku guda jirnaa in aan la xidhiidhno rakaabka si waafaqsan siyaasaddayada iyo nidaamkayaga.”