Maraykanka oo Guantanamo Bay u Qaaday Muhaajiirin Badan

0
27

 

Muhaajiriin badan ayaa lagu wadaa in laga keexeeyo Maraykanka lana geeyo si loogu hayo xarunta Guantanamo Bay, Cuba, waxaana halkaa booqasho ku tegay Salaasadii xoghayaha difaaca Maraykanka Pete Hegseth.

Hegseth, oo booqday saldhigga ciidamada badda Maraykanka si uu warbixino uga helo dadaalka militarigu ku taageerayo dadaallada masaafurinta ballaadhan ee Washington, baraha bulshada ayaa la soo dhigay in uu goob joog u ahaa diyaaradda xamuulka ah oo siday 9 muhaajiriin ah, isaga oo intaa ku daray in uu ku hanweyn yahay in uu la shaqeeyo hay’adaha Maraykanka ee ka shaqeynaya in meesha laga saaro kuwa ku xad-gudbay madax-bannaanida dhulkeenna.

Laba sarkaal oo ka tirsan gaashaandhigga Maraykanka ayaa VOA u sheegay in diyaaradda C-130 oo siday sagaal muhaajiriin ah oo ka timid Fort Bliss ee Texas ay ku degtay Guantanamo Bay duhurnimadii Salaasadii, dhammaan sagaalkaasna loo aqoonsaday “khatar sare oo sharci darro ah.”

Mid ka mid ah Saraakiishaasi ayaa sheegay in muhaajiriinta Diyaarada laga soo qaaday dhanka Xabsiga, halkaasi oo lagu hayey.

Sarkaal saddexaad ayaa VOA u sheegay in ay jiraan duullimaad dheeri ah oo sida muhaajiriin badan la qorsheeyay maalmaha soo socda.

Dhammaan mas’uuliyiintan oo la hadlay idaacadda VOA ayaa sheegay in aan magacyadooda la shaacin maadaama aan loo ogoleyn in ay ka hadlaan howlgallada masaafurinta ah.

Maxaabiista cusub ayaa ku biiraya 17 maxbuus oo kale oo laga soo diray Fort Bliss oo la geeyay Guantanamo Bay Axadii.

Waaxda Amniga Gudaha (DHS) oo hormuud ka ah dadaallada lagu masaafurinayo Maraykanka, iyo laanta socdaalka iyo dhaqangelinta kastamka (ICE) ayaan ilaa hadda ka jawaabin su’aalaha ku saabsan aqoonsiga maxaabiista, dalalka ay u dhasheen iyo dembiyada lagu soo oogay.

Duulimaadka Salaasadii maxaabiis ka soo qaaday dhul weynaha Maraykanka kuna socday saldhigga ciidamada badda ee Cuba ayaa ah kii labaad tan iyo markii ICE ay khamiistii hore ka masaafurisay 177 maxbuus oo la keenay Guantanamo Bay horaantii bishan.

177 ka mid ah, saraakiishu waxay sheegeen in in ka badan 120 ay ahaayeen dambiilayaal halis ah, oo ay ku jiraan xubno ka tirsan Tren de Aragua, oo ah koox burcad waddooyin ah oo Venezuela u dhashay oo Maraykanku u aqoonsaday urur argagixiso shisheeye.

50-ka qof ee kale ama wax ku dhow ayaa lagu hayay xarunta hawlgallada muhaajiriinta ee saldhigga, oo loogu talagalay in lagu hayo shakhsiyaadka aan rabshadda lahayn.

Hegseth ayaa Salaasadii la wadaagay sawirada booqashadiisa saldhiga barta uu ku leeyahay baraha bulshada ee X, halkaas oo uu ku soo booqday xarunta dadka lagu hayo iyo xarunta hawlaha muhaajiriinta.

“Dagaalyahannadani waxay si toos ah u taageerayaan soo qabashada iyo masaafurinta shisheeyaha sharci-darrada ah ee khatarta ah,” ayuu ku qoray hal qoraal. “Ma mahadcelin karno iyaga iyo qoysaskoodaba.”

Ku xigeenka xoghayaha warfaafinta ee Pentagon-ka, Kingsley Wilson, ayaa sidoo kale booqashadiisa ku dhejisay akoonkeeda X, iyada oo la wadaagaysa muuqaalka tas-hiilaadka loogu talagalay in lagu hayo “mudnaanta-hooseeya & mudnaanta dhexdhexaadka ah ee shisheeye sharci-darrada ah” ka hor inta aan ugu dambeyntii la tarxiilin. Taliyaha taliska Koonfurta Maraykanka, oo kormeera hawlgallada ka socda saldhigga ciidamada badda ee Guantanamo Bay, ayaa horraantii bishan u sheegay xildhibaannada in xarunta muhaajiriinta ee saldhigga ay awood u leedahay inay ku xidho ilaa 2,500 maxaabiis aan rabshad lahayn. Waxaa socday dadaallo lagu doonayay in lagu oggolaado in ay hoy u noqoto ilaa 30,000 oo muhaajiriin aan rabshad lahayn oo loo qorsheeyay in la tarxiilo.

Dadaalka masaafurinta Maraykanka ayaa dhaliyay dhaleeceyn uga timid kooxaha xuquuqda socdaalka.

Horaantii bishaan, Ururka Xorriyadda Madaniga ah ee Maraykanka iyo dhowr urur oo kale ayaa gudbiyay dacwad ka dhan ah DHS, iyagoo ku eedeeyay maxaabiistii lagu hayay xabsiga Guantanamo Bay ka hor inta aan la tarxiilin Khamiista in si khaldan loo diiday inay la kulmaan qareenno.

DHS waxay meesha ka saartay eedaymaha dacwadda.