Wasaaradda Maaliyadda oo Nidaam Fududeynaya Cashuur-bixinta u soo Kordhisay Bulshada JSL

0
24

Hargeysa (Dawan)- Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha ayaa soo kordhiyey nidaam fudueynaya hanaanka cashuur-bixinta.

Sida llagu baahiyey qoraal Wasaaradda Maaliyaddu soo saartay shalay ayaa lagu sheegay iyada oo ka duulaysa muhiimada ay leedahay ka midho-dhalinta Barnaamijka Dib-u-habaynta Maamulka Maaliyadda Dawladda ee PFM, Dabaqaysana awaamiirta Xeerka Maamulka Maaliyadda ee Xeer Lr. 75/2016 iyo Xeer-Nidaamiyaha Hanaanka Elektarooniga ah ee Lacag-Qabashada Xeer Lr. 01/2024, is la markaana maanka ku haysa baahida loo qabo casriyeynta iyo Fududeynta Dakhli qabashada, waxa ay dhawaan soo kordhisay in Juwanka cadaynta cashuurta ee GR-ka ay ka dhigto mid laga daabici karo computer-ka, iyada oo la adeegsanayo Hanaanka is-wada ee Xogta Maaraynta Maamulka Maaliyadda Dawladda ee loo soo gaabiyo FMIS.

Qoraalka ayaa la raaciyey in nidaamka cusub si buuxda looga Hirgaliyey Xafiisyada Maaliyadda ee ku yaala Wasaaradda Ganacsiga, waxaana mustaqbalka dhaw laga wada hirgalin doonaa dhamaan xafiisyada dakhli-qabashada Wasaaradda si loo yareeyo habsankii uu lahaa nidaamkii hore ee hanaanka gacanta (Manual)-ka ahaa.