Wasiirka Arrimaha Dibada JSL oo Qaabilay Diblomaasiyiiin Caalami ah

0
24

Hargaysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda arrimaha dibedda iyo Iskaashiga caalamiga ah ee JSL, mudane Cabdiraxmaan Daahir Aadan Bakaal oo uu weheliyo Agaasime guud ee wasaaradda, mudane Mohamed Cabdirahman ayaa xafiiskiisa ku qaabilay dibloomaasiyiin dhawr ah oo ka kala socday wadamada Faransiiska , Kanada iyo Ingiriiska.

Wasiirka iyo weftiga ka socday dalalka Kanada iyo Yurub ayaa ka wada Hadley sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka iyo iskaashiga labada dhinaca, sidoo kale loo adkayn lahaa wasa shaqaynta Somaliland iyo dalalkan ay saaxiibada dhaw yihiin.

Intii kulanka socday waxa kale oo wasiirku weftiga xog ka siiyay siyaasadda arrimaha dibada iyo sida ay uga go’an tahay ka xukuumad ahaan helista Ictiraaf rasmi ah oo uu dalkani helo, waxaanu wasiirku u soo jeediyay Diblamaasiyiintani inay ka qayb qaataan dedaalkaasi.

Dhankooda weftiga ka soday dalka Kanada iyo Yurub ayaa soo dhaweeyay kartida iyo hufnaanta siyaasadda wasaaradda arrimaha dibada Somaliland iyo sida ay uga go’an tahay ka dhabaynta yoolka dalkeeda, waxaanay ballan qaadeen inay ka qayb qaadanayaan wax kasta oo looga baahdo.

Gebo’gabadii madaxda wasaaaradda arrimaha dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland ayaa mudooyinkii dambe dedaal ugu jirey sidii loo sii xoojin lahaa xidhiidhka JSL iyo guud ahaan wadamada caalamka, taas oo bartilmaameed u ah barnaamij siyaasadeedka Xukuumadda WADAJIR iyo WAXQABAD ee uu hoggaamiyo Madaxweynaha JSL, mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi.